Yacquub ibn IsxaaqYaqub Ibni Ishaq Al-Kindi (800-873 C.E.)
Imaamkii markaa boqortooyadii Baqdad haysatay ka talinayey waxa uu aasaasay meelo aqoonta lagu kaydiyo, gaar ahaan meel loogu yeedho ‘Guriga Xikmadda,” halkaas oo lagu ururin jiray aqoonta falasoofarradii Greek u dhashay iyo saysniyahannada caalamka soo maray, waxaana lagu turjumi jirtay buuggaagtooda iyo aqoontoodaba.
Sidaa darteed, waxa Al Kindi loo magacaay oo uu Al Ma’mun u magaacay inuu noqday Madaxa Guriga Xikmadda, waxana ku wehelinayey madaxda kale ee gurigaas la maamulaysay Al Kwarismi oo ahaa ninkii aasaasay xisaabta Algebra iyo wiilal la odhan jiray Walaalaha Banu Musa.
Shaqada ugu weyn ee Al Kindi iyo saaxiibaddii ay ka qaban jireen Guriga Xikmadda waxay ahayd inay turjumaan qoraallada filasoofarrada Giriigga, kadib Al Ma’mun wuxuu dhisay maktabad lagu ururiyo qoraalladaas, kaasoo ku fiday dhammaan dhulal badan oo uu ka talinayey, hawshaasina noqotay mid guulaysatay.
Sidoo kale, Al Ma’mun wuxuu dhisay xarun lagu kormeero, laguna ururiyo cilmiga xiddigiska oo dadkii hore aad ugu baahnaayeen, balse sannadkii 833 markii Al Ma’mun geeriyooday waxa boqortooyada maamulkeedii dhaxlay walaalkii Mu’tasim, laakiin Al Kindi shaqadii wuu sii waday, balse Al Mu’tasim wuxuu Al Kindi u xil saaray inuu wiil uu dhalay oo Axmad la odhan jiray macallin u noqdo.
Al Mu’tasim wuxuu geeriyooday sannadkii 842kii, waxana dhaxalkii boqortooyada maamulkeeda kala wareegay Al Wathiq, kaasoo Khaliifnimada boqortooyada ay wada hayeen 847-kii nin kale oo la odhan jiray Mutawakkil.
Labadan nin aad buu uga cabsanayey Al Kindi, ilaa haddana ma cadda sababtu, waayo waxa la garan waayey in ay ahayd aragti diimeed, khilaaf ka dhexeeyey amma cadaawad aqoonyahannada iyo khubarada oo Guriga Xikmadda ku wajahnayd.
Amiirkii Al Mutawakkil wuxuu laayey dhammaan dadkii aan haystan Orthodox iyo kuwii aan Muslimka ahayn, dhammaan kiniisadihii Baqdad ku yaalayna wuu burburiyey..La soco…