Thabit Ibn QurraThabit Ibn Qurra (836-901 C.E.)
Thabit Ibn Qurra Ibn Murwan Al Sabi Al Harrani waxa uu dhashay sannadkii 836kii, waxaannu ku dhashay degaanka Harran ee dalka Turkiga. Sida magaciisu tilmaamaayana waxa uu ka mid ahaan xubnihii amma kooxdii Sabian la odhan jiray, balse waxa taariikhda lagu sheegaa in ninkani aad ula yaabay xisaabyahankii weynaa ee islaamka ee la odhan jiray Muxamed uIbn Musa Ibn Shakir, gaar ahaan uu la yaabay aqoonta uu cilmiga luqadda u leeyahay, isagoo sheegay inuu ka mid noqon doono saynisyahannada dunida ku biiri doona. Waxa uu ugu yeedhay oo doortay inuu ku biiro kooxdii saynisyahannada ahaa ee Baqdad ka dhisnaa ee ay soo urursay boqortooyadii Abbasid Caliphs, halkaas waxa ay wax ku wada barteen ninki cakna ahaa ee Banu Musa walaalahana ahaayeen.
Wixii intaa ka dambeeyey Thabit wuxuu cilmiga sayniska ku soo darsaday waxyaabo aad u badan oo laga xusi karo xisaabta, cilmiga xiddigska iyo makaanignimada, isagoo waliba turjumay waxyaabo badan oo aqoonyahannadii Greek diyaariyeen, una beddelay luqadda Carabiga, inkastoo markii uu halgan badan cilmiga u galay kadib ku geeriyooday 901kii magaalada Baqdaad… La soco….
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com