Mohammad Ibn Zakariya Al-Razi
Mohammad Ibn Zakariya Al-Razi (864-930 C.E.)

Razi waxa uu ahaa Kimistariga nin ku xeel dheer, falsafadahana aad loogu yaqaan, waxaannu islaamka ku soo kordhiyey cilmiyo badan, waxaana shaqooyinka uu qabtay ka mid ahaa inuu dhinaca caafimaadka wax badan ku soo kordhiyey, gaar ahaan waxa ka mid ahaa buuggaagta caafimaadka ka hadlaya ee ay ka mid ahaayeen Kitab Al Mansoori, Al Hawi, Kitab Al Mulooki iyo Kitab Al Judari Wa al Hasabah, kuwaasoo uu ku helay magac iyo sharaf aad u weyn.
Sidoo kale waxa uu qoray Kitab Al Masoori la yidhaa oo aakhirkii luuqadaha Latinka loo beddelay qarnigii 15aad, kaasoo ka koobna shan majaladood, waxaannu koobsay kelmado caafimaadka u gaar ah.
Qaar ka mid ah majaladaha buuggan waxa si kala duwan loogu daabacay qaarada Yurub, waxaana qaar badan oo ka mid ah ku qornaa daawooyinka cudurro badan oo aynu hadda dadka ku dhaca sida jadeecada iyo hablo-baasta cudurra loo yaqaan
Buugga la yidhaa Al Hawi ee khabiirka qoray waa mid ka mid ah buuggaagta caafimaadka laga tix-raaco kuga ugu waaweyn, waxaanay ka kooban yihiin macluumaado badan oo caafimaadka ah, kaasoo lagu heli karo luuqadaha Greek iyo Carabiga, waxaana ka mid ah waxyaabaha uu khabiirkan islaamka ah ku guulaystay daawooyinka cuntooyinka lagu sumoobo amma daawooyinka xayawaanka…. La soco.

By, Ibraahim Khadar

 

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com