Aabbihii Qalliinka Abu Al-Qasim Al-ZahrawiAabbihii Qalliinka Abu Al-Qasim Al-Zahrawi

Khabiirkan El Zahrawi waxa aad u daryeeli jiray arday cilmiga uu hayo uu doonaayey in ay ka dhaxlaan oo uu u yaqaanay ubadkiisa. Waxa uu inta badan ku adkayn jiray muhiimada ka dhaxeeya dhakhtarka wanaagsan iyo bukaanka, waxaannu la socodsiin jiray in ay ilaaliyaan siday u badbaadin lahaayeen bukaankooda, kuna guulaystaan aaminaadooda. Kana fogadaan in ay dadka ku kala saraan hayb amma halka ay ka soo kala jeedaan.
El Zahrawi nidaamka caafimaad ee uu raaci jiray waxay ku salaysnayd idheer-garadnimo aad u fog, isagoo waliba bukaannada uu u shaqaynaayo qof kasta xaaladiisa si gaar ah ula socon jiray, uguna dedaali jiray sida ugu macquulsan ee uu u daawayn karo, xaaladiisana wax uga qaban karo.
Waxa uu inta badan ka soo horjeeday in dhakhatarka hadafkiisa koowaad noqdo hanta raadso, isagoo aaminsana in muhiimada ugu horraysa uu siiyo sidii uu u badbaadin lahaa qofka ubkaanka ah ee loo keenay. Waxa uu aad u necbaa dhakhatarka sheegta shaqo amma cilmi aanu qaban karin oo xagga caafimaadka ah.
Waxyaabaha aadka loogu xasuusto Al Zahrawi ee uu ku soo biiriyey cilmiga caafimaadka waxa ka mid ah waxyaabaha iyo astaamaha cudurada, aragtiyo ku saabsan koriinka ubadka iyo dhallinyarada. Dhinacyada cilmiyada daawadda (Pharmacology) waxa uu ka xusay daawooyinka wadno xannuunka, macaanka iyo qaar kale oo ka daawo ah cudurro badan.
Khabiirku buugga la yidha At-Tasrif oo uu qoray waxa loo tujrumay Luuqada Latin, gaar ahaan 12 aad waxa ayaa luuqadahaas loo turjumay, kaasoo door muhiim ah ka ciyaaray in Jaamacada lagu barto cilmiga caafimaadka, khaas ahaan Yurub oo qarniyadii 12 ilaa 17 aad u isticmaali jiray buuggaas. Waxaana si gaar ah xusid u mudan laba ka mid ah daawooyinka uu soo saaray khabiirkan, gaar ahaan kuwa la yidhaa Liber Servitoris de Preeparatione Medicinatrum Simplicium, waxaana daawada lagu daabacay 1471 buug uu qoray nin la yidhaa Nicolaus Jensen… la soco….

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com