Abu Wafa
Abul Wafa Muhammad Al-Buzjani (940-997 C.E.)

Abu Wafa Maxamed Ibn Maxamed Ibn Yaxya Ibn Ismaciil Al Buzjani waxa uu ku dhashay magaalada Buzjan ee Nishapur sannadkii 940-kii. Waxaannu ahaa nin xisaabta aad loogu yaqaanay, kaasoo aakhirkii ku dhintay magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq markay taariikhdu ahayd 997 ilaa 998-kii.
Khabiirkan oo cilmiga xisaabta wax badan ku soo kordhiyey waxa uu xisabaadka ku bartay magaalada Baqdaad sannadkii 959kii, sababtoo ah wuxuu ka soo haajiray Nishapur, isagoo waqtigiisii ku qaatay, ugu dambayntiina ku geeriyooday dalka Ciraaq. Abu Wafa waxa uu ku soo kordhiyey cilmiga xisaabta qaybo badan, gaar ahaan Geometry iyo Trigonometry. Geometry wuxuu ku soo kordhiyey in xal loo helo xisaabaad xal loo waayey oo ah laba-jibaarka oo kale, gaar ahaa Polyherda amma dhisida amma dhisida Hectagon amma waxyaabo badan, waxaana ka mid ah xisabaadka uu xalka u helay x4 = a and x4 + ax3 = b.
Xisabaadka Abu Wafa uu soo kordhiyey waxay noqdeen qaar faa’iido badan, waxaannu ahaa ninkii ugu horreeyey ee soo saara waxa la yidhaa Sine Theorem, gaar ahaan qaybta la xidhiidha dhululubada saddex geeska ah. waxa uu soo saaray shax cusub oo uu ku dhisay Sine… la soco….
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com