Abu Raihan Al-BiruniAbu Raihan Al-Biruni (973-1048 C.E.)

Abu Raihan Maxamed Ibn Axmed Al-Biruni waa mid ka mid ah culimadii aadka loogu yaqaanay Maxkamaddii Boqor Maxamuud Ghaznawi oo ka mid ah booradii ugu caansanaa Muslimiinta qarnigii 11aad. Al Birunu waa khabiir aad u faa’iido badan iyo saynisyahan oo cilmi badan ku soo kordhiyey Fiisigiska, xisaabta, Juquraafiga iyo taariikhda.
Dhalashadiisa marka la sheegayo waxa ay taariikhyahannadu tilmaamaan inuu ku dhashay magaalada Kheva oo u dhaw magaalada Ural, waxaanay ahayd taariikhda la sheegay inuu dhashay sannadkii 973-kii, waxannu cilmiga Fiisigiska ka bartay khabiirkii cilmigaas caanka ku ahaa ee la odhan jirya Ibn Sina.
Markii uu yaraa waxa uu faa’iido ka helay waqtigii uu Sultan Maxamed Ghaznawi qabsaday dhulkiisa hooyo, kaasoo marar badan Al Biruni u qaaday safari uu u baxay oo Hindiya ka mid tahay, waxaannu fursad u helay inuu safar ugu galaa bixiyo dhammaan deegaanada Hindiya markii uu 20 jirka ahaa, kadib wuxuu bartay falsafada Hinduga, Xisaabta, juquraafiga iyo diinta ay aaminsanaayeen dad la odhan jiray Thre Pandits, kuwaasoo uu aakhirkii baray sayniska ku qornaa Greek iyo Carabiga. Khabiirkan waxa la tilmaamay inuu dhintay sannadkii 1048-kii, isagoo 75 jir ah, markii uu 40 sanno oo cimrigiisa ah ku qaatay ururinta cilmiga, kadibna uu sayniska ku biiriyey waxyaabo badan oo uu isagu iskii u lahaa oo aanu cid kale ka soo min guurin.
Intii uu socdaalka ku marayey dalka Hindiya wuxuu ka qoray buug aad u qiimo badan oo ka hadlaya waxyaabihii uu ku soo arkay oo la yidhaa Kitab Al Hind, waxaannu si gaar ah uga hadlay nolosha, taariikhda iyo bulshada ku dhaqan halkaas. Dhammaadka buuggana wuxuu ku xusay inuu laba buug oo luuqadda Sanskrit ah u turjumay Carabo, kaasoo mid ka mid ah loogu yaqaan Sakaya, kana hadlaya abuurka shayda iyo noocyadooda. Ka labaad oo la yidhaa Patanjal waxa uu ka hadlayey waxyaabaha dhaca marka ruuxdu jidhka ka baxdo amma uu qofku geeriyoodo.
Muqaalka uu ka bixiyey dalka Hindiya wuxuu ahaa mid dhammaystiran, isagoo waliba aad uga hadlay waxyaabaha juquraafiga ku xusan, lagana dheehan karo sida ay uga muuqatay inuu dhammaan Hindiya socdaal ku maray… la sooc…

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews