Abu Ali al-Hussain Ibn SinaAbu Ali al-Hussain Ibn Sina (980-1037 C.E.)

Abu Cali Al Xuseen Ibn Cabdallah Ibn Sina waxa uu dhashay sannadkii 980kii, waxaannu ku dhashay magaalada Afshana oo u dhaw degaanka Bukhara. Waxa uu tacliintiisa bilawga ah ku qaatay degaanka Bukhara, markii uu 10 jir ahaa waxa uu ahaa nin aad loogu yaqaan barashada Qur’aanka iyo cilmiyo kala duwan oo kale.
Waxa uu bilaabay barashada falsafada iyo inuu aad u akhriyo buuggaag kala duwan oo Greek, Mulsim iyo cilmiyo kale isugu jira. Waxa kaloo uu bartay cilmiga macquuliga (Logic) la yidhaa iyo maadooyin kale oo uu u dhigay Abu Cabdallah Natili oo ah filasoof aad caan u ahaa waqtigaas.
Isagoo dhallinyaro ah waxa noqday khabiir xagga caafimaadka loo daba fadhiisto oo meelo badan oo cilmiga caafimaadka ah wax badan ka taray. Markii uu 17 jir ahaa, waxa uu nasiib u helay inuu daaweeyo Nooh Ibn Mansoor oo ahaa boqorka Bukhhara, kaasoo uu hayey xannuun oo dhammaan khubaraddii caafimaadka ee degaankaas iyo kuwo kale ku sugnaaba ka rajo dhigeen.
Haddaba, markii boqorku bogsaday wuxuu Abu Cali ku abaalmariyey inuu noqday dhakhtarka ugu are e loo oggolaaday isticmaalka laybareeri boqorku lahaa oo aan cid geli jirin. Markii uu aabbihii dhintay Abu Cali waxa uu iskaga tegay magaalada Bukhara, wuxuuna u safray degaanka Jurjan, halkaasoo uu ku soo dhoweeyey boqor Khawarizm Shah, wuxuuna kula kulmay nin uu cilmi badan ka faa’iiday oo la yidhaa Abu Raihan Al Biruni oo ah khabiirkaynu hore u soo sheegnay. Kadib wuxuu u sii gudbay magaalada Rayan oo uu u sii dhaafay dhinaca degaanka Hamadan, waxaannu halkaas ku qoray buuggiisii caanka ahaa ee la odhan jiray Al Qanuun fi Al Tibb.
Sidoo kale, Hamadan wuxuu ku daweeyey Shams Al Daulah oo ahaa boqorka Hamadan oo xannuun daran hayey. Markii uu Hamadan ka tegay wuxuu galay magaalada Isphahan oo uu ku dhammaystiran buuggaag aad u qaali ah oo uu qoray. Sidaa aawadeed, waxa uu sii watay socodkiisii uu cilmiga ku raadinayey, gaar ahaan caafimaadka…. La soco…
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews