Abu Ali al-Hussain Ibn SinaAbu Ali al-Hussain Ibn Sina (980-1037 C.E.)

Da’ kasta oo uu ahaaba waxa Ibn Sina looga yaqaanay galbeedka Avicenna, waxaannu ahaa nin aad cilmigiisa u aaminsanayaeen, sababtoo ah waxa uu soo bandhigay aqoon iyo maskax aad u heer sarraysa markii uu 10 jirka ahaa, maadama uu ahaa nin aad Quranka iyo luuqada Carabiga u yaqaanay, wuxuu dheera khubarada kale ee aan soo sheegnay inuu ahaa nin isagoo yar dhaqankiisa si fiican u bartay. Lixdii sanno eek u xigtay waxa uu si daacadnimo ah u bartay cilmiyada falsafada Islamka, filasafada kale iyo sayniska dabiica ah, waxa u sii dheera cilmiga caqliyada (Logic) iyo waxyaabo kale oo aadu badan.
Markii uu 17 jirka haa wuxuu noqday nin ciliga caafimaadka aad ugu xeel-dheer, waxaana kalmadaha uu caanka ku ahaa ka mid ahaa “Wax adag ma jiro.’ Sidaa darteed mararka qAbu Ali al-Hussain Ibn Sinaaar waxa la soo darisay waxyaabo badan, gaar ahaan cilmiga la yidhaa Metaphysical oo ah falsafad dhaqameed ku saabsan qeexitaanka dabiiciga aasaasiga ah ee dadka amma asal raacnimada, taasoo uu hore ugu wareegay filasoofkii Aristotle, balse aakhirkii waxa uu Ibn Sina la kaashaday arrintaa Al Farabi oo dhibaatooyinka uu ku jah-wareeray la xaliyey.
Sidoo kale, markii uu 18 jirka ahaa waxa uu noqday dhakhtar cudurada guud ku takhasusay oo caan ah, kadibna waxa looga yeedhay inuu ka qaybalo shirka la odhan jiray Samani oo uu qabanaayey boqor la odhan jiray Nuh Ibn Mansur (oo xuiunka haystay 976-997), kaasoo aad uga helay Ibn Sina habka uu u shaqeeyo, waxaannu u ogolaaday inuu maktabada boqortooda si lacag la’aan ah u isticmaalo oo aanay cabsi ku jirin, waxaanay ka koobnayd buuggaag aadu qaali ah oo dunidaba nadir ku ahayd.
Markii uu 21 jir noqdayna wuxuu qoray buuggiisii ugu horreeyey, isla waqtigaasna waxa geeriyooday aabbihii, waxaannu iskaga tegay magaalada Bukhara, kadibna wuxuu u tegay maamulka boqor Ibn Ma’mun oo haystay magaalada Khiva, halkaas oo uu aakhirkii ka baxsaday si uu uga badbaado afduub uu la damacsana Sultan Mahmud Ghazna.
Kadib, wuxuu galay degaanka Jurjan oo u dhaw bada Caspian-ka, waxaana soo jiitay hab xukunka Qabus, nasiib darrose waxa uu goobtaas gaadhay markii la dilay maamulihii degaankaas haystay. Intii uu Jurjan joogay waxa uu halkaas uga khdubadeeyey dadka oo uu bari jiray cilmiga macquuliyada iyo xidigiska, halkaas oo uu ku qoray qaybtii ugu horraysay ee buuggiisa la yidhaa Qanun, waxaanay ka mid ahay shaqooyinkii ugu fiicna ee uu qabto…la soco….

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews