KhayyamNoloshii Adkayn ee Aqoon Raadinka Al-Khayyam

Khayyam waxa uu cilmiga falsafada ku bartay degaanka Naishapur waxa lagu xasuusta mid ka mid ah ardaydiisii aadka u taageeri jirtay uu ka qoray inuu ahaa; ‘Nin hibo loo siiyey maskax aad u furan oo leh awoodda dabiiciga ah ee ugu sarraysa.’ Boqortooyada uu joogay ee uu degaankeeda ku sugnaa may ahayd dadka wax ku bartay sida Khayyam qaar nololooshada si fudud uga heli kara ilaa ay taageero ka helaan maamulada dalal badan oo kale. Xataa haddii taageero intaas leeg ay helaan maaha mid siinaysa xasilooni ilaa siyaasadda maxxalaigaah iyo waliba xukunka millater go’aansadaan in ay mar uun maamulka caawiyaan.
Khabiirka (Khayyam) lafahaantiisa ayaa xaaladan adag ku qeexay in ay tahay mid aad ugu adag in nin wax ku barto, waxaana ka mid ahaa waxyaabihii u hirgalay inuu muddooyinka xaalada adag uu dhex dabaalanaayey uu qoro (Maqalat Fi Al Jabrwa Al Muqabila) oo ahayd habka loo xaliyo mashaakilaadka xisaabaadka Algebra.
“Awood umaan lahayn in aan naftayda ku qanciyo xataa in ay barato Algebra, kuna fooganaato in ay wax badan ka barato, sababtoo ah carqladaha jiray iyo dhibaatooyinkii waqtiga ayaa keenay in ay dib u dhacdo wax badan, waxa nalaga kaxeeyey oo nalaga qaday dhammaan dadkii aqoonta lahaa oo dhan, waxa ka badbaaday tiro yar, qaar badan dhibaatay ku sugnaayeen, si aad nolosha u badbaadisana waa in aad fursada ka faa’iidaysata.
Khubarada Islaamka ah iyo Saynisyahannadu marka waqtigu seexdo waa in ay noloshooda horumariyaan oo ah in ay badhaan cilmiga sayniska; dadka badankoodu ee falsafadaha soo saara waxay ku jahwareeraan runta iyo beenta waxna ma qabtaan, balse waxay khiyaameeyaan, iskana yeel yeelaan cilmi, mana isticmalaan waxay ka yaqnaan Sayniska, marka laga reebo waxyaabo ay sal ahaan iyo muhiimad ahaan uga maarmi wayaan in ay ujeeddo u isticmalaan, haddii ay arkaan dad yar oo raadinaaya waxa saxda ah, door bidaayana runta waxa uu dedaal u galaya inuu jihada khaldan u leexiyo, munaafaqnimana kula dhaqmo iyo khiyaamo wada socda, waa ay ka riwaayadaystaan, waxaanay u arkaan nacas’ ayaa ayuu yidhi Khayyam… la soco….
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews