Muhammad Ibn Cabdallah Ibn Idris Al QurtubiMuhammad Ibn Cabdallah Ibn Idris Al Qurtubi (1099-1166 C.E.)

Aqoonyahanka la odhan jiray Abu Cabdallah Muhammad Ibn Muhammad Ibn Cabdallah Ibn Idris Al Qurtubi Al Hassani waxa uu ku dhashay magaalada Ceuta ee dalka Spain markay taariikhdu ahayd 1099-kii. Waxa uu wax ku bartay magaalada Cordova, balse aakhirkii wuxuu u safray meelo aad u fog fog si uu tacliintiisa uga sii korodhsado, waxaannu meelaha uu wax ka bartay ka mid ahaa degaanka Palermo.
Inkastoo waqtiga uu geeriyooday lagu murmo oo taariikhyahannada qaar sheegaan inuu dhintay 1166-kii amma 1180kii, haddana taariikhdiisa inta badan lama helo sida uu sheegay khabiir F. Ponus Boigues, sababtuna waa in taariikhyahannada Carbeed ay sheegaan in Idris uu ahaa nin ka falaagoobay, maadaama uu xidhiidh la lahaa Maxkamadaha Kiristanka amma boqorada, kana qoreen waxyaabo ay ku ammaanayaan oo shaqada uu cilmiga ku soo kordhiyey ah, taasina waa ka keentay inuu dego degaanka Sicily oo ay ku taalagay maxkamad amma xukunkii boqor Roger II.
Waxyaabaha uu inta badan dunida ku soo biiriyey waxay u badnaayeen caafimaadka dhirta iyo daawayntooda oo uu buuggaag badan ka qoray sida buugga la yidhaa Kitab al-Jami-li-sifat Ashtat Al-Nabatat. Waxa uu wax badan ka bartay, isla markaana uu ku hawlgalay dhirta daawada ah, waxaannu ka sameeyey in cilmi aad u yar lagu dari karo wixii Giriigu dunida ku soo biiriyey, kadib wuxuu soo ururiyey dhir iyo macluumaadkooda oo aan hore wax looga qorin, kadibna wuxuu ku daran cilmiga la yidhaa Botany (Cilmiga barashada dhirta). Waxa uu soo saaray dhir aad u badan oo daawo noqon kara, taasoo dadka caafimaadka yaqaan isticmaaleen, kadib wuxuu daawooyinkaas magacyadooda ku sheegay lix luuqadood oo kala ah Syriac, Greek, Beershiyaan, Hindi, Latin iyo Berber… la soco…