Abu Hamid Al-GhazaliAbu Hamid Al-Ghazali (1058-1128 C.E.)

Abu Hamid Ibn Muhammad Ibn Muhammad al Tusi Al Shafi’I Al Ghazali waxa uu magaalada Khorasan ee dalka Iran ku dhashay sandakii 1058kii. Waxa uu aabbihii geeriyooday isagoo aad u yar, balse wuxuu helay fursad ah inuu waxbarto oo uu waxbarasho ka helo degaannada Nishapur iyo Baqdad. Markiiba wuxuu helay deeq waxbarsho oo culuumta diinta iyo faslafada ah, waxaana loo magacaabay muddo yar kadib inuu noqdo macallin Jaamacadda Nizamiyah oo Baqdaad ku taalay, kaasoo loo yaqaanay mid ka mid ah goobaha waxbarashada ugu sharafta iyo karaamada badnaa ee waqtiyadii dahabiga ahaa ee Islaamka.
Muhammad Al Ghazali waxa uu ka mid noqday culimada taariikhda islaamku xusto kuwoodaugu wanaagsan. Waxa noloshiisa aad ugu weynayd barashada falsafada noocyadeeda kala duwan. Toban buug oo uu ka tegay waxay ahaayeen natiijo ka dhalatay su’aalo aad u muhiim ah oo uu maskaxdiisa iska waydiiyey oo ku bilaabmay intii noloshiisa ugu horraysay ee uu cilmiga raadinaayey.
Muhammad al-Ghazali remains one of the most celebrated scholars in the history
“U haraadida raadinta shaqada asalnimadoodu waa waxa ugu horreeya ee xaqiiqadii caado ii ah, kuwaasoo aan doonaayey sannadkii u horreeyey in aan ogaado amma wejigii ugu horreeyey ee noloshayda. Waxa ay ahayd dabiici oo Ilaahay igu abuuray, maaha wax aan anigu iskay u dareemay. Natiijadu waxay noqotay in aan waxyaabo badan ogaado, dhaxlana aaminaad aan waayey markii aan yaraa,” ayuu Al Gazali ku yidhi buuggiisa Muniqdh Min Al Dalal, boggiisa 81aad.
Nolosha Al Ghazali: Magaciisa oo dhammaystiran waxa la odhan jiray Muhammad Ibn Muhammad Ibn Muhammad Ibn Ahmad Al Tusi, waxaannu dhashay sannadkii 1058 kii oo uu ku dhashay degaanka Tus oo u dhaw Khurasan oo ah magaalada hadda loo yaqaan Meshhad oo dalka Iran ka tirsan. Waxa uu ahaa shakhsiyaadkii helay magaca la yidhaa Hujjat Al Islam (Shaac bixinta Islamka), sababtoo ah waxay door muhiim ah ka ciyaareen difaacida islaamka waqtigaas oo ay jireen aragtiyo khatar bdaan oo lidi ku ahaa diinta ilsaamka. Inkastoo uu ku dhashay degaan Beershiya ah oo aan Carabiga lagaga hadlan, haddana Al Ghazali wuxuu buuggaatiisa ugu wanaagsan ku qoray luuqada Carabiga… la soco….

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews