Araweelo News Network

isticmaalkatigniijiyadaDaraasado badan oo la sameeyey waqtiyadan u dambeeyey, ayaa lagu shaaciyey in horumarka tignoolajiyaddu saamayn taban ku yeeshay bani’aadamka, gaar ahaan dhinaca maskaxda iyo fahamkooda guud.
Moobillada casriga ah, kombuyuutarrada, internet-ka iyo waliba mishiinnada macluumaadka laga baadho ee Google ugu horreeyo waxay sabab u noqdeen in qofku aannu ku kalsoonaan aqoontiisa iyo inuu isticmaalo maskaxdiisa.
Cilmi-baadhista u dambaysay oo ay sameeyeen saynisyahanno ka kala socda jaamacadaha Waterloo iyo University College London ee dalalka Ingiriiska iyo Canada, ayaa sheegay in tiknoolajiyaddu cawaaqib daran ku yeelanayso maskaxda aadanaha.
“Natiijadu waxay noqotay in awooddaada xasuuseed ee macluumaadka aad haysaa yar tahay haddii aanad kombuyuutar markaa gacanta ku hayn, waxana jira shaki aan badnayn oo tilmaamaya in tiknoolajiyaddan cusub ay saamayn ku leedahay waxa aynu xasuusanno.” Sidaa waxa yidhi Mr. Evan Risko oo ah khabiir cilmi-nafsiga ka dhiga Jaamacadda Waterloo ee dalka Canada.
Khubarada kala ah Sam Gilbert oo barashada neerfiyada (Neuroscientist) ku takhasusay, kana tirsan Jaamacadda University College London, ayaa dib u eegis ku sameeyey daraasado badan oo laga sameeyey arrintan, waxana u soo baxday in tiknoolajiyaddu saamayn ku yeelatay maskaxda iyo hab xasuuseedka bani’aadamka muddooyinkii u dambeeyey ee ay horumarka samaysay tiknoolajiyadda.
Sidoo kale, khubaradu waxay sheegeen in macluumaadka badan ee Google laga helaa ay ku keenaan dadka inay isku halleeyaan oo maskaxdooda xasuusteeda isku hallayn kari waayaan, waxaanay daraasad ka mid ah cilmi-baadhisaha khubarada qayb ka ahaayeen sheegtay in dadka internetka macluumaadka ka baadha aanay ku kalsoonayn fahamkooda amma maskaxdooda inta badan, aakhirkana saamayn taasi ku yeelato aqoontooda.