camputercasri
Koox Cilmi-baadhayaal ah, ayaa soo bandhigay kombuyuutar loogu talagalay inuu ka garnaqo amma saadaaliyo go’aanka dacwadaha maxkamadaha, waxayna sheegeen in 79% ay sax tahay saadaasha uu sameeyey kombuyuutarka dad sameega ah (Artificial Intelligent gjudge).
Sida cilmi-badhayaashu ku doodeen waa markii ugu horraysay ee tiknoolajiga lagu dayey in ay saadaaliso go’aannada maxkamadda caalamiga ah ay gaadhaan, waxaannu qalabkan kombuyuutarka ah falanqayn karaa qoraalka kiiska, iyadoo la isticmaalayo mishiin eegaya caddaymaha iyo hannaanka maxkamaddu isticmaashay.
Habkan cusub ee maxkamadda ee lagu isticmaalayo maxkamadaha mustaqbalka, waxa soo bandhigay cilmi-baadhayaal ka kala socday Jaamacadaha UNCL (University College London), University of Sheffield iyo Jaamacadda Pennsylvania ee dalalka Ingiriiska iyo Maraykanka.
“Uma jeedno in kombuyuutarkan dadka laga malo-awaalay (Artificial Intelligent) uu beddelo garsoorayaasha amma looyarada, balse waxa aannu ka fikiraynay in loo isticmaali karo in ay si degdeg ah u ogaan karaan hannaanka kiiska si loo helo natiijo degdeg ah. Waxa kale oo uu faa’iido u noqonayaa in ay hoosta ka xarriiqaan kiisaska xad-gudubyada ah ee inta badan Maxkamadda Xuquuqal-insaanka Yurub yimaad.” Sidaa waxa yidhi Dr. Nikolaos Aletras oo darasadan hoggaaminayey, kana tirsan kulliyadda culuumta kombuyuutarta ee Jaamacadda UCL ee ku taal magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Cilmi-baadhayaasha oo daraasadoodan wargeyska Jamhuuriya soo xigtay, waxa ay ogaadeen in go’aannada ay Maxkamadda Xuquuqal-inaanka Yurub ee ECtHR (European Court of Human Rights) ay inta badan la xidhiidhaan kuwo aan xaqiiqo sharci lahayn, halka ay ka noqon lahaayeen qaar dood sharci ku salaysan, taasina ay macnaheedu tahay in Garsoorayaasha Maxkamaddu yihiin kuwo xaqiiqiyiin ah (Realists), halka ay ku taagnaan lahaayeen sharciga (Formalists).
Sidoo kale, waxa komubuyuutarkan caawiyey in maxsuul laga helo go’aanno hore loo gaadhay oo maxkamaddo ay ka mid yihiin Maxkamadda Sare ee Maraykanku soo saartay.
“Daraasadan oo ah tii u horaysay ee nooceeda ah, waxa ay is barbardhigtay maxsuulada ka soo baxay daraasado hore iyo kuwa kombuyuutarkan gaadhay, iyadoo lagu saleeyey go’aanno Maxkamaddo Sare ka soo baxay. Waxa ay noqotay maxsuulka soo baxay mid lagu qanci karo,” ayuu yidhi Dr. Dimitrios Tsarapatsanis oo ah macallin sharciga ka dhiga Jaamacadda Sheffield.
Cilmi-baadhayaashu waxa ay kombuyuutarkan garsoore ahaanta ay u isticmaaleen ku eegeen kiisas Maxkamadda Xuquuqal-insaanka Yurub ka garnaqday oo gaadhaya 584 kiis, kadibna waxa lagu eegay qoraalladii kiisaskan oo dhammaystiran kombuyuutarkan si uu fallanqeeyo, gar-maqalo dhammaystira oo go’aannadooda lehna u soo saaro. Natiijadii soo baxday waxay noqotay in qodobada ugu badan ee la isku haleeyo ee kombuyuutarku saadaaliyey tahay luqadda go’aanka maxkamadda loo isticmaalay, khaladaad badana ay ku jireen go’aannadaas.