Obama visit Horn of AfricaWashington(ANN)Madaxweynaha dalka Maryakanka Mr. Barack Obama, ayaa markii ugu horraysay samaystay barta xidhiidhka bulshada ee Facebook Isniintii toddobaadkan, isagoo isla markiiba saaxiib ay la noqdeen bilaayiin qof, waxaannu qoraalkii ugu horreeyey ee uu dhigay ku dhiirrigeliyey in tallaabooyin laga qaado sidii looga hortagi lahaa dhalan-geddiska cimilada.
Sida la ogyahay mareegta Facebook ayaa muddooyinkii u dambeeyey noqday meelaha ugu badan ee da’yarta iyo dadka tiknoolajiyadda aadka u isticmaala ku xidhiidhaan, balse waa markii u horraysay ee madaxweynaha Maraykanku samaysto, sida lagu caddeeyey qoraal ka soo baxay Guriga Cad.
“Waxaan rajaynayaa in aad aaminsan tihiin in goobtan tahay meesha ugu haboon ee aan hadalo isku waydaarsan karno, gaar ahaan arrimaha ugu muhiimsan ee qaranka soo wajahaya,” ayaa lagu yidhi muuqaal facebook la soo dhigay oo Madaxweyne Obama ah.
Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu dhiirrigelin ku bixiyey qoraal uu soo dhigay in laga wada hawlgalo sidii wax looga qaban isbeddelka cimilada.
Madaxweyne Obama, ayaa safar ugu bixi doona magaalada Paris ee dalka Faransiiska dhamaadka bishan lagu jiro.
“Boggan facebook waxa uu u noqon doonaa Maraykanka goob cusub oo lagu wadaago aragtiyaha ay la wadaagayaan Madaxweynaha, gaar ahaan arrimaha ay dadku danaynayaan,” ayuu yidhi Kori Schulman oo ah Agaasime-ku-xigeenka Aqalka Cad u qaabilsan arrimaha tiknoolajiyadda (Digital Strategy).

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380