Araweelo News Network

Injineer u dhashay dalka Nayjeeriya ee galbeedka qaaradda Afrika, ayaa sheegay inuu ikhtiraacay, isla markaana farsameeyey qalab awood u leh inuu koronto buuxda siiyo waddamada qaaradda Afrika oo dhan.
Saynisyahankan oo lagu magcaabo Obayagbona Emmanuel Imafidon, ayaa sheegay in miishiinka uu hindisay oo noociisu yahay (Power Generating device) uu awood u leeyahay inuu xalliyo dhibaatooyinka koronto yaraan ah ee ka taagan qaaradda Afrika, kaasoo uu xusay inuu wax weyn ka tari karo in la helo laydh amma koronto tayo leh.
Injineerkan oo waraysi siiyey wargeyska Guardian ee ka soo baxa Ingiriiska oo Jamhuuriya soo xigtay, waxa uu sheegay inuu ka qallin-jebiyey Kulliyadda Korontada ee Mac-hadka Maaraynta iyo Tiknoolajiyadda ‘Enugu’ (Institute of Management and Technology), waxaannu si gaar ah u tibaaxay inuu dab ka samayn karo laydhka onkodku sameeyo, hawshaasna uu gacanta ku hayey wixii ka dambeeyey ilaa sannadkii 2006-kii.
“Waxaan muddo badan cilmi-baadhis ku samaynayey dab-ka-dhalinta tamarta iyo laydhka onkodka, gaar ahaan waxaan hillaaca danabka ka helay koronto awood u leh inay koronto quudiso Afrika oo dhan muddo shan sanno iyo soddon maalmood ah,” ayuu yidhi Obayagbona.
Waxa uu intaa ku daray, “Dadka qaar baa laga yaabaa in ay u maleeyaan in aanay suuragal ahayn, haddii ay suurtogal noqon lahaydna sababtee ayey dunida reer galbeedku koronto ugu beddeli waayeen arrintaas iswaydiiyaan, laakiin waxa aan soo saaray waa hordhac (Prototype) tusaale noqon kara. Waxa jira shan lakab (Five chambers) oo aan ugu talagalay in tamarta ay dabbaan oo ka kooban iftiin qabtayaal. Sidoo kale, waxa jira qayb kaydka aan ugu talogalay iyo qayb beddelka tamarta laydhka ah oo tamarta taagan u beddelaysa koronto, kadibna tamartaas sii gaadhsiinaysa qaybyta gudbinta (Transmission Zone).”
Mr. Obayagbona Emmanuel waxa uu tusaale u soo qaatay in dalka Nayjeeriya uu shido dab dhan 330,000 megavolts, balse qalabkiisu keeni karo 5 milyan oo fool (Volt).
“Qalabkan qaybta danabka qabanaysa waxa lagu dhisay waddamada Ruushka, Jarmalka iyo Maraykanka si ay u qaban karto 5 mega volt, una oggolaan karto in ay soo saarto 330,000 megavolts oo ah cabbirka qulqulka laydhka, faa’iidada ugu weynan waa in dab-dhaliyahan korontada keenaya uu Nayjeeriya ka badbaadin doono in koronto la’aan ku dhacdo oo uu mugdi galo dalku. Markasta oo aad maqasho in dhibcaha biyuhu yaraadeen awood uma yeelanayno inaynu koronto innagu filan soo saarno. Ma jiro sannad aannu danabku Nayjeeriya ka dhicin, hal hillaac oo danabka ahna waxa uu ina siinayaa koronto aynu shidan karno shan sannadood iyo soddon maalmood, sidaa darteed waxaynu guryaheenna iyo shirkadaheenna u helaynaa koronto inagu filan,” ayuu yihi Mr. Obayagbona Emmanuel.