Britain(ANN)Khubaro u dhalatay dalka Ingiriiska, ayaa sheegay in cida lo’du samayso ay turjumeen, isla markaana ay ogaadeen luuqada ay ku wada xidhiidhaan xayawaankan.

Macnaha “Moo”, ayaa khubaradu sheegeen in ay duuben, isla markaana falanqeeyeen habka lo’du isku afgartaan.
Cilmi-badhayaashan u dhashay dalka Inbiriiska, waxa ay sheegeen in laba hab lo’du isugu yeedhaan marka ay wayeelaha ay dhalaan, iyadoo ay ku xidhan tahay hadba masaafada ay u jiraan. Waxa kale oo ay sheegeen in uu jiro cod wayluhu kula xidhiidhaan hooyooyinkood marka ay doonayaan in ay jaqaan.

Kooxdan oo cilmi-baadhistoodu ku guda jiray muddo bilood ah si ay daboolka uga qadaan luuqada lo’du isku fahanto ayaa sheegay in lo’dumarka ay wayeeshada yar u dhawdahay ay sameeyaan cod naxariis leh oo ay ka muuqato in ay doonayo inay daryeesho ilmaheeda.
Haddaba, codba codka uu ka dheer yahay ayaa muujinaaya in wayshuhu aad uga fog tahay hooyadeed, halka iyada laftar ahaanteedu marka ay doonayso inay caano jaqdo ay cod gooni ah samayso.

Khubaoradan waxay sheegeen in saddexda cod ay dadka ula muuqdaan in ay isku wada mid yihiin, isla markaana aan si fudud lagu kala saari karin, balse ay iyagu duuben, adeegsadeena hab casri ah oo ay ku kala sareen codadkaas.
Dr.Monica Padilla De la Torre oo ka socotay Jaamacadda Nottingham, ayaa sheegtay in neef kasta oo lo’ ah uu cod gaar ah leeyahay, balse marka ay wada xidhiidhayaan ay isku mid yihiin.

Kooxda khubarada ay waxay tilmaameen in xataa neefku marka uu murugaysan yahay codkiisu ka duwan yahay codka marka uu caadiga ah sameeyo.

“Natiijadayadu waxay sheegaysa in baadhitaan fiican lagu sii samayn karo daryeelka xoolaha, loona baahan yahay in wax badan laga sii ogaado si loo dhaqdo, loona munaafacaadsado xoolahan,” ayuu idhi Dr. Alan McElligot oo ka tirsan Jaamacadda Queen Mary ee magaalada London oo daraasadan qayb laxaad leh ka qaatay.

Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com