Araweelo News Network


Shirkadda Facebook, ayaa sheegtay in ay soo saarayso qalab tiknoolaji ah oo dadka baraha bulshada ku wada xidhiidha u saamaxaya in ay maskaxda ka wada sheekaystaan (Tex through Sheer Mind power) si uu ugu badbaado waqtiga badan ee kaga luma qorista kelmadaha farriintoodu kooban tahay.
Barnaamijkan oo jawaabo kala geddisan aqoonyahannadu ka bixiyeen, ayaa shirkaddu ku dhawaaqday inay doonayso in kacdoon dhinaca tiknoolajiyada ah ay bilawdo oo dadku maskaxda ka wada sheekaysan karaan. Qorshahan higsiga fog leh waxa Facebook doonaysaa in ay ku midayso codka iyo qoraallada qofka u gaarka ah, iyadoo ay ka shaqaynayaan samaynta barnaamijkan qaybta cilmi-baadhista kombuyuutarrada (Facebok’s Building 8 Hardware Research Division) oo ay madax u tahay Regina Dugan.
Mashruucan waxa aad ula yaabay dunida, maxaa yeelay waxa uu si gaara diiradda u saarayaa in macluumaadka Facebook dadku isku waydaarsadaan uu u wareegi doono maskaxda oo bani’aadamku ka wada xidhiidhaan sida Mrs Dugan sheegtay.
Waxa hore suurtogal u ahaa oo jiray qalab qalliin ahaan qofka madaxa loogu xidhi jiray oo kelmadaha uu ku hadli lahaa qoraal u beddela oo la yidhaa albeit, balse qalabkaas xawaare ahaan waa mid aad u gaabiya, mana aha ka shirkadda Facebook doonayso, waayo waxa ay qorshaynaya qalab dunida oo dhan gaadha, xawaare ahaanna aad u dheereeya.
Qalabkan waxa uu ahaan doonaa tiknoolajiyadda aragga la shaqaysa (Optical Imaging Technology) oo la socda dhaqdhaqaaqa xididada farriinta maskaxda geeya (Neuron activity) oo inta badan shaqadoodu dhacdo waqtiyada qofku hadlayo, kuwaasoo loo beddeli doono qoraal moobilada casriga ah (smartphone) la isugu gubin karo. Barnaamijkan hadalka aamusan ah waxa shirkaddu qorshaynaysaa in labada sanno ee soo socda hirgeliso.
Aqoonyahanka ku hawlan arrintan, ayaa sheegay in aanay fududayn samaynta qalabkan tiknoolajiyadda kakan ah, isla markaana ay leedahay khatarteeda in barnaamijkan hirgelintiisa lagu dhiirrado.
“Maalin uun waxa hadalkeenna maskaxda loo beddeli doonaa qoraal, tiknoolajiyadda ayaana saamaxaysa, waana laga bixi doonaa in sawirro iyo muqaallo uun la iswaydaarsado, sababtoo ah waxaad awoodi doontaa inaad maskaxdaada ka qorto qoraal shan jeer ka xawaare badan qoraalka aad gacanta ka qorto ee aad telefoonkaaga ku qorto.” Sidaa waa yidhi mulkiilaha iyo Agaasimaha Fulinta Shirkadda Facebook, ahna Mulkiilaha aasaasay Mr. Mark Zuckerberg.
Waa uu intaas ku daray, “Maskaxdeennu waxa ay soo saartaa macluumaad ku filan in ay dhaqaajiso amma lagu daawan karo ilbidhiqsi kasta mar kaliya 4 filim oo tayadoodu HD tahay. Dhibaatadu waxa ay tahay habka kaliya ee aynu macluumaadka dibadda isaga soo saari karno ee dunida u keeni karnaa waa hadalka.”
Sidoo kale, cilmi-baadhayaasha shirkadda Facebook dirtay waxay ku hawlan yihiin in ay soo saraan hannaan dadku isaga maqli karaan maqaarkooda, iyaoo la isticmaalayo qalab elaktarooni ah oo gariir samaynaaya. Waxa shirkaas lagu soo bandhigay muuqaal muujinaya sida gariirka loogu beddeli karo kelmad.
Iyadoo dad aad u badan la yaabban yihiin qalab la yidhaa maskaxda ayuu akhriyaya (Mind-reading) oo suuqyada lagu iibiyo, ayaa haddana cilmi-baadhayasha Facebook-gu sheegeen in qalabkoodu u qaabaysan yahay in la isku waydaarsado aaraah’da amma fikradaha kala duwan ee ku jira maskaxda.
“Waxa aad markii horeba go’aansataan in aad hadalka u dirto badhtanka maskaxdiina, maaha uun inaad go’aansato aragtiyo kala duwan” ayey tidhi Dugan.
Waxa jira aqoonyahanno badan oo sheegay haddii tiknoolajiyada noocan ah dunida ku soo biirtay ay sababi doonto in caajiska bani’aadamku badan doono, sababtoo ah waxa meesha ka baxaya dhaqdhaqaaqa iyo shaqooyinka la xidhiidha in qofku ka shaqaysiiyo muruqyada jidhkiisa.
“Shaqsi ahaan waxa aan dareensannahay in ikhtiraaca noocan ah bani’aadamka u hoggaamin doono in ay noqdaan kuwo caajis ah oo ku tiirsan tiknoolajiyada, dunida ay qas geli doonto, kana bixi doonto dabiiciyada.” Sidaa waxa yidhi Woody Wilde oo soo bandhigay dood uu ku naqdiyey qalabka farriimaha codka ah ee maskaxda u beddelaya qoraalka.
“Hoos-u-dhigga tiknoolajiyaddu carruurta ayey u daran tahay oo aan waxba baranayn, dugsiyada ka saaqidaya, umana baahan doonaan haddii arrintan dunida lagu soo biiriyo in ay wax qoraan.” Sidaana waxa tidhi haweenay la yidhaa Kathy Klein oo ka dareen-celisay qalabkan casriga ah ee shirkadda Facebook soo saarayso.