Araweelo News Network

qalabkashilalkabaabuurtaRiyad(ANN)Khubaro farsamaynta kombuyuutarka ku takhasustay oo uu hoggaaminayo Eng. Cabdullah Hejazi, una dhashay dalka Sucuudiga, ayaa sameeyey barnaamij ay u bixiyeen “Hofra” kaasoo moobaylka lagu isticmaalayo, qofkana u sheegaya xaaladda waddada uu marayo, ugana digaya shilalka gaadiidka.
Barnaamijkan ayaa laga isticmaalaa dalka Maraykanka iyo Sucuudiga, sida uu sheegay Eng. Hejazi. Waxa uu u fududeeyaa dadka adeegsada in ay iswaydaarsan karaan macluumaad ku saabsan 20 kun oo ah khataraha waddooyinka ka dhaca.
Khubarada ayaa sheegay in ay ugu talogaleen in barnaamijkani dadka uga digo khatarta shilalka gawaadhiga iyo godadka jidadka ee keena in baabuurku dhaco.
“Waxa aannu go’aansannay in aannu xalka diyaarinno, waxaanuna la nimi barnaamijkan,” ayuu Hejaze u sheegay wargeyska Saudi Gazette oo Jamhuuriya soo xigtay.
Kooxda khubarada ah oo cilmi-baadhis dheer kadib soo saaray barnaamijkooda, waxa ay faa’iido u noqotay in dadku ay wadaagi karaan shilalka iyo khataraha waddooyinka ka soo wajaha si kuwa kalena u ogaadaan.
“Waxa aannu dawladda ka caawinnaa in ay dhibaatada dadku ka cawdaan ee ku saabsan samaynta waddooyinka xumaaday ee khatarta keena xalliso. Waa in barnaamij la sameeyaa arrintaas hormood u noqda oo ah ka aan samaynay ujeeddada ka dambayasay,” ayuu yidhi injineer Cabdullahi.
Waxyaabaha kale ee barnaamijkani qofka uga digayo waxa ka mid ah jeex-jeexyada biyo-mareennada waddooyinka, marka dhismuhu ka socdo jidka iyo khataraha kale ee haddii baabuur isku dhacdo oo kale.
“Waxa aan rajaynaynaa in dhawr toddobaad oo kaliya uu hirgalo, balse waxa ay nagu qaadatay siddeed bilood oo aan kal joogsi lahayn in laga shaqeeyo. Kooxdayadu waxay ka kooban yihiin sameeyayaal, nashqadeeyayaal, mashruuc mareeyayaal iyo kuwo tijaabiyeyaal isticmaalka. Waxa aannu ogaannay waxyaabo badan oo waddooyinka ah oo aynaan ogayn. Waxa aan doonayna in dadka waddooyinka aan waydiinno aragtidooda. Waxa aan la kulannay khubaro khataraha jidadka wax ka yaqaan,” ayuu yidhi Hejazi.
Inta badan barnaamijkan ayaa ku shaqayn doona telefoonnada casriga ah (smart phones) ee Sucuudiga iyo waliba dal kasta oo hirgeliya ay u saamaxayso awoodiisu inuu ku shaqeeyo amma isticmaalaan dadkiisu.