Araweelo News Network

g7Washington(ANN)Shirkadda Samsung ee soo saartay qalabka elaktarooniga, waqtiganna ugu haysata soo saarista telefoonnada casriga ah (smartphone), ayaa qorshaynaysa inay sannadka cusub ee 2016 soo saarto 5 milyan milyan oo noocoodu yahay Galaxy S7 sida uu baahiyey wargeyska elaktarooniga ka faallooda ee South Korea’s Electronic Times oo Jamhuuriya soo xigtay.

Shirkadda Samsung ayaa ilaha wargeysku soo xigtay tilmaameen in ay qorshaynayso soo saarista telefoonno kuwii hore ka duwan oo ballaca muraayadoodu tahay 5.2 iinj iyo 5.5 iinj oo ay u bixisay magaciisa Galaxy s7 edge.
Waxa qorshaheedu yahay in 3.3 milyan ay ka soo saarto mid muraayadiisu fidsan tahay, halka 1.6 milyan xabbana ay ka soo saari doonto nooc muraayadiisu xoodan tahay, taasoo bandhigiisa ugu horreeya suuqyada caalamka lagu qaban doono bisha February ee sannadka soo socda.

Moobilada shirkadda Samsung soo saarto ayaa hore ugu guulaytay suuqyada caalamka, kana mid noqday shirkadaha elaktarooniga ay soo saaraan noqdaan kuwo meel kasta laga isticmaalo.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380