Araweelo News Network

Isticmaalka Computerada Iyo Mobilada

London(ANN)- Weriye ka tirsan BBC-da oo lagu magacaabo Clare Spencer ayaa soo xushay shan shay tignoolajiyadda casriga ah oo ku soo kordhaya qaaradda Afrika sannadkan 2018-ka.

Fikradda ah diiwaangalinta iyo dukumendiyada waa mid aan ka jirin qeybo ka mid ah Afrika, taasina waxay horseeddaa muranno la xidhiidha dhulalka, iyadoo sababtuna tahay in aanay kala caddeyn cidda leh dhulka.

Xataa meelaha ay ka jiraan diiwaannada, waxa dhacda in la been abuuro dukumendiyada dhulalka ama sabarloogooyinka, balse waxa la soo kordhiyey hab cusub oo ah Blockchain oo aan la tirtiri karin diiwaanka iyo xogta meesha lagu kaydiyo.

Waxa lagu keydiyaa heshiisyada, qandaraasyada iyo waxyaabaha kale ee dadku isku afgartaan ama kala saxeexdaan, taas oo hadhow si madaxbannaan loo hubin karo qofkii u baahan.

Waxyaabaha cajiibka ka dhigaya habkan waxa ka mid ah ah in aannu hal meel keliya ku kaydsanayn, laakiin uu ku kaydsan yahay kumbuyuutarro kala duwan oo kumannaan gaadhaya, taas oo keenaysa in haddii mid laga tiro, kuwa kale uu ku hadhayo kaydka.
Qof kasta oo cinwaan ku leh habkan ayaa eegi kara, arkina kara waxa meesha ku kaydsan.

Shirkadda WISeKey ayaa habkan u isticmaalaysa in ay ku diiwaangaliso waraaqaha lahaanshiyaha dhulka ee dalka Rwanda.
Kireynta Kheyraadka aadamiga ah:

Fikraddani waxa ay ku saabsan tahay in dadka ku takhasusay tiknoolajiyadda ee ku sugan Afrika laga kireeyo ama si qandaraas ah ugu shaqeeyaan shirkadaha waaweyn ee Maraykanka iyo Yurub xilli ay aad u yaraanayaan dadka leh takhasuskan.

Shirkad lagu magacaabo Andela, ayaa markii ugu horreysay qorshahan ka hirgalisay dalka Nigeria, waxana jira qorshayaal ay barnaamijkan oo kale ugu baahinayso waddanka Masar.

Sannadkan cusub waxa shirkaddan nidaamkaas ku soo galay lacag dhan $40 milyan dollar, halka sannadkii hore ay heleen lacag $24 milyan oo ka yimmi shirkadda Facebook.

Marka hore shirkaddu waxa ay tababaraysaa dhallinyarada, kadibna lacagta ay sameeyaan ayaa laga jarayaa kharashkii waxbarashada ku baxday.
Si sahlan oo loo lacagaha la isaga bixin karo:
Dad badan oo Afrika ku sugan ma laha akoonno bangi, iyada oo barnaamijka telefoonnada lacagta laga dirsado ay noqdeen kuwa aad u guulaystay.

Qaaradda Afrika waxa ay noqotay hormuudka dunida ee lacagaha la isugu diro telefoonnada, waxana sannadkii 2016-dii habkan isticmaalay wax ka badan 100 milyan oo qof.

Balse dhibka jira ayaa ah in adeegyada la isticmaalo ay aad u badan yihiin, kuwaas oo adkaynaya in dad badan badeecooyin ka iibsadaan khadka internetka.

Waxa la soo allifay barnaamij loo bixiyey Flutterwave oo bangiyada adduunka u sahlaya in ay aqbalaan lacagaha lagu diro telefoonnada in dadka isticmaala ay wax ka iibsan karaan khadka internetka, gaar ahaan qaaradda Afrika.

Rubucii ugu horreeyey ee sannadkii 2017-kii, Flutterwave waxa ay la marsiiyey lacag dhan $444 milyan dollar oo ka timi dalalka Ghana, Nigeria iyo Kenya.
Shirkaddan ayaa sheegtay inau sannadkan 2018-ka rajaynayso in dad badan oo Afrikaan ah ay isticmaalaan habkan, isla markaana wax ka iibsadaan shirkadaha sida AMAZON oo kale, kuwaas oo aanay hore u awoodi jirin in ay iibsadaan.
In Badeecadaha laguugu keeno diyaaradda aan duuliyaha lahayn:

Waxa jira tartan caalami ah oo shirkadaha ganacsiga ee adduunku ugu jiraan in alaabaha iyo badeecooyinka ay dadka ku iibsadaan qaabka iibka internetka in guryahooda loogu geeyo si dhaqso ah, iyada oo la isticmaalayo diyaaraha yaryar ee aan duuliyuhu wadin.
Yurub iyo Maraykanka waxa ay diyaaradahan geyn karaan alaabaha yaryar oo keliya, sababtuna waxa ay tahay sharciyada xagga duullimaadka oo xaddidaya.
Hase ahaatee, dalka Rwanda oo kale waxay gacmo furan ku soo dhaweynaysaa diyaaradahan iyo adeega ay bulshada u qaban karaan.
Xaqiiqda ah in aanay waddooyin wanaagsan jirin iyo in garoomo diyaaradeed jirin qeybo badan oo Afrika ka mid ah, ayaa fikradda diyaaradaha yaryar ee aan duuliyaha lahayn ka dhigaya mid si wanaagsan u shaqayn karta oo ku habboon.
Shirkadda lagu magacaabo Zipline ayaa hawlgalisa diyaaradahan, waxana hadda ay ku daabushaa alaabo yaryar sida dawooyinka, dhiigga iyo tallaalka, iyadoo waqtigan ka shaqaysaa dalalka Rwanda iyo Tanzania.

Tamarta cadceedda:
Shirkadaha korontada ee dalalkan ayaan dabooli karin baahida dadweynahoodu qabaan, iyagoo dadka meelaha fogfog deggan aanay haysan wax koronto ah.

Shirkadda lagu magacaabo Peg Afrika ayaa ka mid ah shirkadaha iibiya qalabka ku shaqeeya tamarta cadceedda, balse qalabkani qaali ayuu ku yahay in dad badan iibsadaan, sidaas daraadeed shirkaddu waxay bilowday inay dadka dayn ku siiso qalabkan, kadibna waxoogaa waxoogaa isaga bixiyaan lacagta.
Waxa ay hadda ka shaqaysaa dalalka Ghana iyo Ivory Coast.