Araweelo News Network.

“Kadib saddex iyo toban sanno oo ay Mujaahidiintu ku raadjoogeen, galabta ayay Mujaahidiintu ugu dheceen qolkii uu ku dhuumaalaysanayay”Bayaanka Al -shabaab

Muqdisho(ANN)-Xarakada Al -shabaab, ayaa sababeeyay weerarkii ay ka fuliyeen Huteelka Africa ee Magaalada Muqdisho, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Bayaan kasoo baxay Al shabaab, ayaa lagu sheegay in hawlgalkii ay ciidankoodu ka fuliyeen Huteelka Africa  ee magaalada Muqdisho 31 January 2021, ujeedad bartilmaameedkiisu ahaa General Maxamed Nuur Galaal oo ay muddo saddex iyo toban sannadoo ah ku raad joogeen, ugu danbayntiina ku khaarajiyeen weerarka Huteel Afric.

Al-shabaab, ayaa bayaanka oo lagu daabacay mid ka mid ah warbaahinta yaallaa lagu baahiyo wararkooda khaaska ah ku shaaciyay in hawlgalkaa oo socday muddo dhawr saacadood ah ciidankii hawlgalka fuliyay gaadheen yoolkooda ahaa sidii loo dili lahaa General Maxamed Nuur Galaal oo ay sidoo kale ku dhinteen weerarka Huteelka 23 qof oo kale oo aannay Al-shabaab sharaxaad ka bixin iyo sidoo kale tiro 40 qof oo kale oo ay ku dhaawaceen weerarka.

“Galaal ayaa muddo dheer waxaa uu ahaa nin u heellan loona soo carbiyay la dagaalanka ku dhaqanka Shareecada Islaamka, waxaa uu aqoontiisa iyo khibradiisa dhanka sirdoonka ciidamada ah u adeegsan jiray inuu kula dagaalamo Mujaahidiinta. Waxaa uu ku lug lahaa hagardaamooyin dhawr ah oo ay gaaladu ku dileen rag Mujaahidiin ah. Waxaa raggaas kamid ahaa Macalim Aadan Xaashi Cayrow – Allah shahaadadiisa haka aqbalee – kaas oo ku shahiiday duqayn ay Maraykanku ka geysteen Magaalada Dhuusamareeb  May 2008.”. ayaa lagu yidhi, Bayaanka Al-shabaab.

AKHRI: Al Shabaab Oo Qarax Iyo Weerar Wada Socda Ku Waajahday Huteel Ka Mid Ah Kuwa Ugu Waaweyn Muqdisho

Sidoo kale, waxay ku tilmaameen General Galaal inuu ku lug lahaa dagaalo lala galay oo dhexmaray waxay ku tilmaameen malayshiyaad iyo ciidamo Ethiopian ah, waxa kale oo ay la xidhiidhiyeen General Galaal inuu door ku lahaa maamul goboleedka Galmudug ee Soomaaliya.

“Kadib saddex iyo toban sano oo ay Mujaahidiintu ku raadjoogeen, ugu dambayntii galabta ayay Mujaahidiintu ugu dheceen qolkii uu ku dhuumaalaysanayay ee xarunta uu ka deganaa Magaalada Muqdisho, halkaas ayayna kusoo afjareen taariikhdiisii dheereeyd ee ku dhisnayd gaala kalkaalnimada, Shareeca la dagaalanka iyo dhiigyacabnimada.” ayaa lagu yidhi, bayaanka, waxayna ku doodeen Al-shaabab in Dilka Generaal Galaal  cadaalad siinayo agoon badan oo ay sheegeen inuu aabayaashood xaqdarro ku laayay, hooyooyin badan oo uu ubadkoodii gumaaday iyo cid walba oo dhibane u noqotay hagardaamooyinkiisii, ayay ku yidhaahdeen qoraalka.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa farriin hanjabaad ah ku ladhay bayaankooda, waxayna ku yidhaahdeen sidan:- ”

 

“Ugu dambayntii, waxaan halkaan digniin uga soo jeedinaynaa cid walba oo ku dhiiratay una soo qalab qaadatay la dagaalanka ku dhaqanka Shareecada Islaamka. Waxaan idin leenahay Ilaahay u tawbad keena, kana soo laabta dhabaha qalloocan ee aad ku socottaan. Ku waana qaatta wixii ku dhacay kuwii dariiqaas idinka horeeyay kuna halaagsamay oo uu Galaal kamid yahay.

Haddii aad sidaas yeeli waysaan, ha dheeraatto ama ha dhawaattee gacanta Mujaahidiintu way idin soo gaadhi doontaa, waxay idinkugu soo geli doonaan goob walba oo aad ku dhuulaamaysanaysaan, waxaadna la kulmi doontaan ciqaabta aad mudantihiin insha-Allah” ayaa lagu yidhi, Bayaanka.