Araweelo News Network.

Dhuusamareeb Oo Ciidamo Laysugu Daabulay

Dhuusamareeb(ANN)-Magaaladda Dhuusamareeb waxa gaadhay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo sidoo kale ra’iisal wasaare Maxamed Cabdi Rooble, waxaana la filayaa in shir loogu balamay halkaa oo ay ka qaybgelaayan maamuul gobleedyada lagaga hadlo khilaafka arrinta doorashada ee u dhaxaysa dhinacyada.

Dhinacyada, ayaa muddooyinkii u danbeeyay isku khilaafsanaa qaabka loo maamulayo doorashada, iyadoo xilliga xukuumadda Madaxweyne Farmaajo gabaabsi yahay, isla markaana uu soo jiitamay khilaafka arrimaha doorashada ee heshiiskii shirkii Dhuusamareeb oo ay dhinacyadu hore hishiis uga gaadheen qaabka loo qabanyo doorashada, waxaana shirkaa marti geliyay Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor, oo lagu amaanay sida uu shirarkii hore ugu martigeliyay Dhuusamareeb.

Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland ee Soomaaliya, Axmed Madoobe ayaa diyaarad kusoo daabulay ciidamo si khaas ah isaga u ilaalinaya inta uu socdo shirku, kuwaas oo galabta diyaarad xamuul ah ay ka dejisay Dhuuusamareeb.

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa ah ninka sda weyn ay isu khilaafsan yihiin xukuumadda Madaxweyne Farmaao, iyadoo xaaladdu marar hore ku dhowaatay in xoog laysku muquuniyo, ama guluf dagaal ka dhex dilaaco dawladda Federaalka iyo maamul goboleedka Jubbaland.

Sidoo kale, Siciid Maxamed Deni oo ah madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, oo inta badan la safan Axmed madoobe oo xulufo hoose ka dhaxayso ayaa ka mid ah madaxda maamul goboleedyada Soomaliya ee ay xukuumadda Madaxweyne Farmaajo sida weyn isu khilaafsan yihiin.

Madaxweynaha Puntland Deni, ayaa dhankiisa si gaar ah usoo dhoobay magaalada Dhuusamareeb ilaalo isaga khaas u ah, iyadoo aannay arrintaa kala mid ahayn madaxda maamul goboleedyada kale ee ka qaybgelya shirka, isla markaana ay su’aalo dareen dhalinayaa ka taagan yihiin sababta ay labadaa hoggaamiye ee Jubbaland iyo Puntland ciidamo khaas ah usoo kaxaysteen.

Madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya ee Hirshabelle iyo Koonfur galbee, ayaa iyaguna gaadhay dhuusamareeb, si ay uga qayb galaan shirkaa oo ay daneeyayaasha arrimaha Soomaaliya dabada ka riixayaan.

Hase yeeshee Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi oo doonayay in uu ka qaybgalo shirka, ayaan helin wax casuumad ah, wuxuuna qoraal uu maanta u qoray Madaxweynaha maamul goboleedka shirka marti geliyay ee Galmudug ku sheegay in uu ka qaybgalyo shirka maadaama oo arrimaha lagaga hadlayo ay yihiin kuwo saamaynaya mustaqbalka siyaasada Soomaaliya ee doorashada.

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Image File Araweelo News Network.

Guddoomiye Cabdi Haashi, wuxuu ku adkaystay inuu maalinta beri ee 2 February 2021, ka qaybgelayo shirka oo dhinaca magaalada dhuusamareeb u jihaysan yahay.

Balse Madaxweyne Faramaajo ayaa sheegay in shirka ay ka qaybgelayaan oo keliya ciddii lagu casuumay, wuxuuna ku dooday in shirka ay kasoo xaadiri karaan oo kaliya maamul goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Gobolka Banaadir, Galmudug oo marti gelisay iyo Puntland. sidaa awgeed aannay cid kale meeli iga bannaanayn.

Halkan ka akhri warqada guuddoomiye Cabdi Haashi ku baryootamayo.