Araweelo News Network.

 

Garoowe (ANN)-Shirka Madasha aragti Wadaaga ee Machadka Heritage, ayaa soo geba-gebeeyay shir ka socday muddo Saddex maalmood ah Magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamul gobolleedka Soomaaliya ee Puntland.

Shirkaa waxa lagaga hadlayay xaaladda guud ee Soomaaliya, doorashooyinka, amniga iyo waayaha ku xeerran siyaasada Soomalaiya, waxaana ka qayb-galay Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dawladda Federaalka, guddoomiyayaasha labada Aqal.

Sidoo kale, waxa ka qayb-galay saddex ka mid ah madaxda dowlad gobolleedyada, xubno ka socday siyaasiyiinta mucaardka ee la baxay midowga murrashaxiinta, wakiilo ka socday Urrurada Bulshada rayidka & marti sharaf lagu casuumay, waxayna guud ahaan dadka qayb-galay noqdeen ku dhowaad 700 oo qof.

 

Doodaha iyo mawaadiicda lagu falanqeeyay shirkaa mudada saddexda maalmood ahayd, waxaa ka mid ahaa arrimaha doorashooyinka, amniga, dhamaystirka dastuurka qabyada ah ee dalka, qabashada doorasho qof iyo cod ah, marka la gaadho sannadka 2025. Sidoo kale waxa lagaga hadlay sidii loo dhisi lahaa dowlad Shaqaysa.

Geba-gebadii, waxaa laga soo saaray war-murtiyeed ka kooban Shan qodob.

Dhamaystirka Dastuurka Ku-meel gaadhka ah ee Soomaaliya

1: Madasha ayaa boggaasiday dedaalada ay sameeyeen Wasaaradda Dastuurka Soomaliya iyo guddiyada Madaxa bannaan ee Arrimaha Dastuurka, kuwaas oo sameeyay daraasado qiimo leh soona bandhigay qodobo xasaasi ah oo la xidhiidha Dastuurka.

Arrimaha taabagelinta Nidaam federaal oo dhamaystiran

2: Madasha ayaa dareen ka muujisay kala aragti duwanaanshaha soo noq-noqday ee ka dhaxeeya labada Heer ee dowladda, Madashu waxa ay garawsatay dhamaystirid la’aanta qodobada federaaleynta in ay sabab u tahay khilaafka, waxaana ay ku baaqeen qodobo xal u noqon kara.

Arrimaha Amniga Qaranka

3: Madasha ayaa boggaadisay Ciidamada dowladda ee dagaalka kula jira Al-Shabaab iyo Daacish, hayeeshee waxa ay ka xun tahay in aan la dhaqan-gelin heshiiskii amni ee ay gaadheen dowladda Federaalka iyo dowlad gobolleedyada, ee lagu saxeexay Magaalada London, May ee sanadkii 2017.

Arrimaha doorashooyinka dalka

4: Madasha waxa ay soo dhawaynaysaa geedi-socodka siyaasadeed ee doorashooyinka ee kasoo bilawday dhuusa-mareeb 1, 2, iyo Saddex kuna dhamaaday 17-kii Bishii Setember Villa Soomaaliya, hayeeshee Madasha ay ka walaacsan tahay kala aragti duwanaanta ka taagan hirgelin la’aanta Heshiiska.

Madasha ayaa waxa ay u mahad celisay Maamulka Puntland iyo Shacabka oo ay sheegeen inay si diiran  usoo dhoweeyeen ka qayb-galayaasha Madasha aragti Wadaaga ee Machadka Heritage iyo Madaxda machadka Heritage sida ay usoo agaasimeen Shirkaa.

 

War-murtiyeedka shirka Garoowe, 3 Jan 2021, Image Araweelo News Network. 

War-murtiyeedka shirka Garoowe, 3 Jan 2021, Image Araweelo News Network.  

Alt: Araweelo News Network

War-murtiyeedka shirka Garoowe, 3 Jan 2021, Image Araweelo News Network.    

Alt; Araweelo News Network

War-murtiyeedka shirka Garoowe, 3 Jan 2021, Image Araweelo News Network.