Araweelo News Network.

 

Ms #Kate@Foster OBE Safiir Maamuuska Somalia.

London(ANN)-Dowladda Britain,  ayaa dalka Soomaaliya usoo magcawday Safiir maamuus cusub, isla markaana bedelaya safiirkii hore ee halkaa u joogay.

Britain waxay safiirka cusub ee Soomaaliya u magcawday haweenay magaceedu yahay Kate Foster oo ay sheegtay inay tahay Safiir Maamuuska u jooga Soomaaliya.

 

Xukuumadda Britain ayaa sheegay in horaanta sannadkan F February 2021 danjirihii hore ee u joogay Soomaaliya OBE, Ben Fender loo wareejin doono xil kale oo diblamaasiyadeed si uu uga Shaqeeyo, kaas oo aan la shaacin.

“Ms Kate Foster OBE waxaa loo magacaabay Safiir sharafeedka dawladda Britain u qabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyada oo lagu wareejinayo Mr Ben Fender OBE oo loo wareejin doono ballan kale oo Adeeg Diblomaasiyadeed.” Ayaa lagu yidhi, qoraal kooban oo kasoo baxay Dawladda Britian xafiiskeeda arrimaha Dibedda.

“Ms Foster waxay qaadan doontaa balanteeda inta lagu jiro bisha february 2021. Ayaa lagu yidhi, qoraalka.

Dowladda boqortooyada UK, ayaa OBE, Ben Fender Soomaaliya u soo magacawday 30 january ee sannadkii 2019-kii, isagoo Soomaaliya ka shaqaynayay muddo laba sannadood ah.

Ms Kate Foster oo ah haweenayda cusub ee Britain usoo magcawday Soomaaliya iyo Ben Fender oo ah safiirka ay bedelayso labaduba waxay sitaan magaca OBE, waxayna leeyihiin ahmiyad gaar ah dadka sita magacaa.

OBE, iyo sidoo kale CBE, waxa la raaciyaa shaqsiyaad qaata abaalmarinta Boqortooyada Ingiriiska, kuwaas oo ay bixiso Boqorada Uk, waxaa lagu abaalmariyaa qofkaa inuu leedahay kaalin weyn oo maxalli ah oo ku saabsan waxqabad kasta, oo ay ku jiraan dadka shaqadoodu ka dhigtay inay ka oggaadaan qaran ahaan aagagga ay doorteen ee ay danaynayaan oo ay si gaar ah ugu magcaabaan.

Ms Kate Foster, waxay kasoo shaqaysay meelo badan, waxayna sannadkii 2018, ahayd qofka soo bandhiga ajandayaasha Xafiiska Golaha, Agaasime ku-xigeenka, Arrimaha Caalamiga, Xoghaynta Amniga Qaranka, Akadamiyada Sare ee Difaaca UK iyo madaxa tababarada Shaqaalaha.

Sidoo kale, waxay soo qabatay xilka madaxa Waaxda Horumarinta Caalamiga iyo Istiraatiijiyadda Afrika 2017,  sidoo kale, waxay kasoo shaqaysay 2015 – 2017, Waaxda Horumarinta Caalamiga, iyadoo ahayd Madaxa, Collaadaha Afrika iyo Qeybta Bani’aadamnimada oo ay hormood u ahayd kooxda qaabilsan dalka Yemen

Waxa kale oo ay kasoo shaqaysay dalka SierraLeone 2014 -2015, UK, iyadoo markaa ahayd Madaxa howlgalada ka jawaab celinta cudurka Ebola oo xilligaa fara-baas ku yahay dalalka galbeedka Afirka oo ay SierraLeone ka mid ahayd.

Sidoo kale, waxay kasoo shaqaysay dalalka Suudaan iyo Afrikada kale, iyadoo xilal kasoo qabatay Hay’addaha gargaarka ee qaramada midoobay iyo kuwa caalamiga ah, sida Save the Children, UNHCR iyo kuwo kale.