Araweelo News Network.

#Donald@Yamamoto: Safiirka Maraykanku Muxuu Uga Maqnaaday Kulanka?

Muqdisho(ANN)-Kulan Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo la yeeshay wakiiladda beesha Caalamka ee ku sugan Muqdisho, ayaa lagaga hadlay meel marinta heshiiskii doorashadda ee 17 September 2020, kaas oo ay meel mariyeen Baraalamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo kulankaa guddoominayay, ayaa geba-gebadii sheegay in heshiis siyaasadeed laga gaadhay muarnkii u dhexeeyay maamul goboleedyada ee hannaanka doorashada ee guddiyada madaxa banaan iyo miisaaniyada kharashka ku baxaya, wuxuuna xusay in tanaasul badan ay xukuumad ahaan sameeyeen si loo higeliyo doorashada.

Alt: Madaxweyne Farmaajo iyo wakiiladda Beesha Caalamka.

Nadaxweyne Farmaajo oo la kulmay wakiiladda Beesha Caalamka Muqdisho Villa Somalia Image Araweelo News Network, 30 jan 2021.

Sidoo kale, waxa kulanaka lagaga hadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhexeeya maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo xukuumadda Madaxweyne Farmaajo sheegtay in qaabka ay u magcaabeen guddida doorashada aannay ahayn mid sharci ah.

Donald Yamamoto

Safiirka Maraykanka u qaabislan dalka Soomaaliya, Ambassador Donald Yamamoto, ayaan ka xaadirin kulankaa, iyadoo aan si dhab ah loo ogayn sababta uu uga maqnaaday, waxaana jira warar sheegaya in uu jiro khilaaf weyn oo u dhexeeya xukuumadda madaxweyne Farmaajo iyo Ambassador Yamamoto oo awood weyn ku leh siyaasada dawladda federaalka ee Soomaaliya.

Lama ogga arrimaha dhabta ah ee ay isku khilaafsan yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Amb. Donald Yamamoto, isla markaana lama hubo inuu markii kulanku dhacayay ka maqnaa dalka, balse waxa jira warar kale oo sheegaya in Yamamoto si badhedh ah ula saftay mucaardka dawladda Madaxweyne Farmaajo ee la baxay Madasha midawga Murrashaxiinta iyo maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbalanad, wallaw ay jiraan warar kale oo aan si dhab ah loo xaqiijin oo sheegaya in kulankaa ay ka qaybgaleen saaraakiisha Beesha caalamka ee sugan Muqdisho uu keligii uga maqnaaday, iyadoo lagu war geliyay in amnigiisu khatar ku jiro. sidaana uu kulanka uga baaqsaday.