Araweelo News Network.

 

Madaxweynihii Hore Xasan Oo Ku Baaqay In Aan La Aqbalin Wareegtada Farmaajo

Muqdisho(ANN)-Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa meesha ka saaray dib-u-eegista Dastuurka, wuxuuna dib-u-dhigay ansixintiisa iyo in la meel mariyo.

Madaxweyne Farmaajo, wuxuu maanta soo saaray Xeer Madaxweyne oo dib u dhigaya ansixinta Wax-ka-beddelka Dastuurka ku meel-gaadhka ah ee Soomaaliya.

Wuxuu ku sababeeyay xeerka uu saxeexay maanta sida uu sheegay maadaama la galay xilligii doorashooyinka, isla markaana ay sii dhammaanayso muddada xil-haynta Baarlamaanka 10-aad ee Soomaaliya, oo ay bilaabanayso muddo Xileedka Barlamaanka 11-aad inuu soo saaro Xeerkaa.

“Iyadoo aan waxba loo dhimayn Qodobka 136-aad ee Dastuurka ku meel-gaadhka ah, Madaxweynuhu waxa uu dib-u-dhigay ansixinta dib-u-eegista Dastuurka, waxaanu Baarlamaanka 11-aad u gudbiyay qabyo qoraalka ay soo diyaariyeen Guddiga Madaxa-bannaan ee Dib-u-eegista Dastuurka, oo ay ansixiyeen Guddiga La Socodka BFS, taas oo ay la socoto warbixin faah-faahsan oo la xidhiidha hab-raaca ansaxinta Dastuurka KMG iyo qabyo-qoraalkii 3-aad ee Dastuurka KMG, si loo dhamaystiro looguna ansixiyo muddada ay xilka hayaan Baarlamaanka 11aad.” Sidaa waxa lagu yidhi, wareegtada kasoo baxday Villa Somaliland.

 

Xeerka uu saxeexay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaqan galay Maanta oo ay taariikhdu tahay 24-ka December, 2020, waxaana la baabi’iyay Sharciga iyo xeer kasta oo ka soo horjeeda arrinkan sida lagu sheegay qoraalka.

Dhinaca kale, soo saarista xeerka ayaa kusoo beegantay xilli muran iyo xiisad weyn ka taagantahay shaacinta jadwelka doorashada oo khilaafkeedu sii xumaanayo.

Sidoo kale, Mdaxweynaha Soomaaliya, wuxuu xeerka soo saaray kaddib markii uu warbixin ka dhagaystay 23-kii bishan December 2020,  Guddiga La socodka dib-u-eegista iyo hirgalinta Dastuurka, waxaana Madaxweyne Farmaajo ku weheliyay kulanka warbixinta lagaga dhegeystay guddiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ra’iisal  wasaaraha iyo Wasiirka Wasaaradda Dastuurka.

Tallaabada Madaxweyne Faraamo kusoo saaray xeerka, ayaa noqday mid xiisadda ka dhalatay sii kicisay duufaanka Siyaasadeed ee hadheeyay dawladda Federaalka oo xilligan xaasaasiga ah waajahday mucaarad doonaya inay awood ku muquuniyaan.

Mucaaradka, ayaa durbadiiba si adag u dhaleeceeyay tallaabada Madaxweyne Farmaajo, waxaana ka hadlay Madaxweynihii hore ee Soomalaiya Xasan Sheekh Maxamuud oo Maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh, wuxuu ku tilmaamay arrinta mid Madaxweyne Farmaajo u raacay dariiq baal-marsan Dastuurka iyo Sharciga u yaalla dalka Soomaaliya.

“Madaxweynuhu wuu diiday shirkii Wada-tashiga ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanku wada yeelan lahaayeen, kadibna Digreeto ayuu soo saaray Maanta, markaa digreetadaasi wax qaanuun ah oo Dastuur ah oo awood Madaxweyne ah oo ay cuskan tahay ma jiro.” ayuu yidhi.

, Madaxweyne Farmaajo, ayuu  ku eedeeyay inuu caan ku yahay ku dhaqan la’aanta Dastuurka, isagoo yidhi, “Madaxweynuhu waa ilaaliyaha Dastuurka, laakiin weligiiba Dastuurka wuu dhinac mari jiray, markaa waxaan u soo jeedinayaa (Farmaajo) inuu Digreetadaa ka laabto. Sababtoo ah dib u dhigista  Ansixinta wax ka beddelka Dastuurku waxay la mid tahay in la laalay Dastuurka .”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa usoo jeediyay Madaxweyne Farmaajo,  inuu dib ula noqdo wareegtada, isagoo dhinaca kale farriin u diray shir-guddoonka iyo xildhibaannada labada Gole ee Baarlamaanka, isagoo ugu baaqay inay sid deg-deg ah isugu yimaadaan oo ay waajibkooda sharciga ah gutaan, amma ay Ummadda Soomaaliyeed ee ay wakiilka u yihiin u caddeeyaan haddii aanay gudan karayn waajibaadkooda.