Araweelo News Network.

Dallalka qaniga ah waxay tallaalayan hal qof ilbidhiqsi kasta halka Soomaaliya ay heshay qoondo ka yar 2% bulshada ku dhaqan.

War-saxaafeed

Ururada maxaliga ah waxay leeyihiin, Soomaaliya waxay heli kartaa talaal ku filan sanadkan gudihiisa haddii la helo shirkado badan oo si joogto ah usoo saara tallaalka, halka ay iminka talaalku qoondo ugu xidhan yahay dhowr shirkadood oo kaliya, 

24ka Maarso 2021: Ururadda aan dowliga ahayn ee ka hawlgala  Soomaaliya waxay si diirran u soo dhoweynayaan qeybtii ugu horreysay ee tallaalka COVID19 ee toddobaadkan COVAX dalka soo gaadhsiisay.

Waxayna ka digayaan in Soomaaliya aannay haysan ogsijiin iyo qalab caafimaad oo ku filan si ay ula tacaasho cudurka COVID19 oo kor u sii kacaya. Qiyaasta tallaalka ee hadda la keenay in ka yar 2% dadka ayaa heli doona tallaal halka taa bedelkeeda ay waddamada qaniga ahi ku tallaaleen muwaadiniintooda qiyaastii qofkiiba hal ilbiriqsi bishii ugu dambaysay.

 

Qaybtii ugu horreysay oo ka kooban 300,000 oo ah tallaalka Oxford-AstraZeneca ayaa loo qaybiyey magaalooyin kala duwan ee Dalka.

Dalalka Yurub Oo Joojiyay Tallaalka Loo Soo Waariday Afrika Ee Soo Gaadhay Somaliland Iyo Soomaaliya

Imaatinka tallaalku wuxuu ku soo beegmay iyadoo waddanku la tacaalayo mawjada labaad ee  COVID-19. Sida ay WHO,  soo warisay Soomaaliya, laga bilaabo 3da Janaayo 2020 ilaa 23ka Maarso 2021, waxaa jiray 10,214 kiis oo la xaqiijiyay oo ah COVID-19 oo ay u dhinteen 441, Inkasta oo awoodda tijaabadu ay hoosayso, tirakoobka dhabta ahni laga yaabo in uu ka badan yahay inta hadda la hayo.

AKHRII:  #Coronavirus: Doodaha Murugsan Ee Maraykanka, Sababaha Ay Nafteedta U Haligtay Dhakhtarad Safka Hore Kaga Jirtay Dagaalka COVID-19

Sida ku xusan COVAX, Soomaaliya waxay heli doontaa talaal dhan 3.5 milyan, si loo tallaalo 20% dadweynaha. 1.2million qof ayaa la rajeynaya in la tallaalo bartamaha sanadka. Marka la eego kaabayaasha daryeelka caafimaadka oo daciif ah, shaqaalaha daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya waxay sii wadi doonaan dedaalka ay ugu jiraan sidii ay ula tacaali lahaayeen dadka baahan haddii aan talaaladu si dhaqso leh ku imaan.

 

“In kasta oo aannay dowladdu wali shaacinin sharuudaha faahfaahsan ee ku saabsan hanaanka si caddaaladda ah loogu qaybin doono tallaalka, waxaan ka codsaneynaa dowladda in ay mudnaanta siiso shaqaalaha caafimaadka iyo gargaarka bani’aadamnimada ku hawlan iyo sidoo kale waayeelka ama dadka qaba xaaladaha caafimaad ee aasaasiga ah sida sonkorowga, kansarka, HIV, shaqaalaha dowladda, dadka la heyb sooco oo ay ku jiraan qaxootiga, maxaabiista, iyo dadka ku nool xaafadaha isku raranta ah iyo guryaha kale ee dadku ku badan yihiin, ”ayey tiri Xaliimo Cilmi, oo ah ku-simaha Agaasimaha Dalladda Ururrada aan dowliga ahayn ee Soomaaliya (SNC).

 

Hay’adaha qaramada midoobey waxaa loo qoondeeyey 1,000 waxanaanu ku baaqaynaa in mudnaanta ay siiyaan shaqaalaha maxaliga ee safka hore kaga jira ka shaqaynta arimaha bani’aadamnimada ee sii adkaanaysa, dhibaatada abaarta iyo barakaca.

 

Waddamo ka mid ah kuwa dhaqaalahoodu hore u maray  ee sida degdeg ah u talaalay muwadiniintooda Sida US, UK iyo EU, ayaa mar labaad hor istaagay soo jeedin ka timid in ka badan 100 dal oo soo koraya, oo ay ku jirto Soomaaliya, oo lagu doonayey in ururka ganacsiga ee aduunka (WTO) ay meesha ka saaraan qoondada ay shirkadaha waawayn ee  dawooyinka soo saaraa ay ku haystaan farsamada curinta iyo samaynta talaalka COVID19,  isla markaana u oggolaan waddamada kale in ay soo saaran karaan talaalka si dhakho loo gaadho dad badan oo talaalka u baahan loo xaqiijiyo in dalalka saboolka ah, sida Soomaaliya, ay u helaan talalaalka oo wakhtiga aad loogu baahan yahay.

 

Soo saarayaasha aqoonta u leh talaalka aduunka oo dhan waxay diyaar u yihiin inay soo saaraan tallaal badan haddii loo oggolaado inay helaan tikniyoolajiyadda iyo aqoonta, taas oo hadda ay ku jiraan, balse ay si gooni ah u xidheen shirkaddaha dawooyinka soo saara.

 

“Sinnaan la’aantu waa wax laga xumaado. Marka waddamada iyo shirkaddaha qaniga ahi aannay isugu imaanaynin si ay u taageeraan kuwa tabaalaysan, balse ay macaashka gaarka ah iyo faa’idadooda ay ka hor mariyaan danta guud dhammaanteen way ina dhaawaceysaa.

 

Soomaaliya waxay heli kartaa talaal ku filan sanadkan gudihiisa hadii la helo shirkaddo badan oo si joogto ah u soo saara talaalka, halka ay iminka talaalku qoondo ugu xidhan yahay dhowr shirkadood oo kaliya, ”ayuu yidhi Amjad Ali, Madaxa  Oxfam ee Soomaaliya, oo qayb ka ah Isbahaysiga  ololaha Tallaallada dadka, oo lagu doonayo in talaalka COVID19 uu noqdo mid dadku iska leeyihiin oo aanu noqon mid faa’ido doon ah.

 

 

Si loo xakameeyo fayraska, waxa loo baahan yahay in tallaal badan la soo saaro, lagana soo saaro meelo kala duwan, in talaalku noqodo mid qiimo jaban oo cid kastaa ay awooddi karto, isla markaana si lacag la’aan ah lagu gaadhsiiyo bulshada.  Balse ilaa hada dunidu kuma guulaysan in ay jidkaasi marto.

…. Dhamaad…

Cabdicasiis Cadaani 

abdiaziz.adani@oxfam.org