Araweelo News Network.

Dhammaadka Muddada Xilka Madaxweyne Farmaajo Iyo Bayaanka Mawqifka Midawga Murrashaxiinta Soomaaliya

Muqdisho(ANN)-Kooxda la baxday Midawga Murrashaxiinta ee Soomaaliya, ayaa mawqif cad iska taagay dhammaadka muddo xileedka Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaaji Farmaajo oo ku ekayd maanta oo taariikhdu tahay 8 February, 2021.

Bayaan ay ku xaqiiyeen mawfikooda dhammaadka muddada xukuumadda Madaxweyne Farmaajo ee ku dhammaaday iyadoo aannu jirin doorashadii ay ahayd in la qabto si loo helo Madaxweyne lasoo doortay, ama isaga dib loogu dooran, isla markaana aannu jirin go’aan xal u noqonaya marxaladda siyaasadeed ee xilligan ay Soomaaliya gashay.

Sidaa awgeed waxay bayaankoodu ku caddeeyeen in aannay wixii ka danbeeya maanta oo ku ekayd dhammaadka muddada dastuuriga ahayd ee Madaxweynaha aannay u aqoonsanayn in uu Maxamed Cabdullaahi Farmaajo yahay Madaxweynaha Soomaaliya ee dawladda Federaalka.

Bayaanka Midawga Murrashaxiinta oo dhammaystiran halkan ka daallaco.