Araweelo News Network.

Maxay Ka Wada Hadleen Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Iyo Ra’iisal Wasaare Xigeenka Ethiopia Ee Loo Tuhmayo Inuu Xukunka La Wareegay?

Addis Ababa(ANN)-Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawlada Federaalka ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar, ayaa booqasho gaabban ku tegeyxarunta dalka Ethiopia ee Addis Ababa.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Ethiopia, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Demeke Mekonnen Hussen, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya, iyadoo aan la ogayn waxyaabaha ay ka wada hadleen labada dhinac.

AKHRI: Ethiopia Oo Ka Hadashay Hubanti La’aanta Ra’iisal Wasaare Abiy Iyo Farriin Laga Soo Weriyay

Balse waxa jira ila wareedyo diblamaasiyadeed oo sheegaya in labada dhinac isla soo qaadeen qalalaasaha Soomaaliya ee xilligan iyo xaaladda kasii daray dhanka Ethiopia iyo Soomaaliya.

Alt: Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawlada Federaalka ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar iyo Ra'iisal wasaare ku xigeenka dalka Ethiopia, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Demeke Mekonnen Husse

Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawlada Federaalka ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Maxamuud Abuubakar iyo Ra’iisal wasaare ku xigeenka dalka Ethiopia, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibedda dawladda Federaalka Demeke Mekonnen Husse Image Araweelo News Network 28 Jan 2021

Wasirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya, waxay booqashadiisu kusoo beegantay, iyadoo ay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya qasantahay, isla markaan khilaaf weyn uu ka jiro doorashooyinka la flayay in ay ka qabsoomaan Soomaaliya.

#Ethiopia: Farriin Laga Soo Weriyay Ra’iisal Wasaare Abiy Iyo Xisbigiisa Oo Ka Hadlay Wararka Laysla dhexmarayo

Sidoo kale, safarkiisa dhanka Ethiopia, ayaa kusoo beegmay xilli dalka Ethiopia ay ka jrto xaalad collaadeed oo weli ka aloosan gobolka woqooyi ee Tigray oo muddo saddex bilood ah dagaalo ka holcayeen, isla markaana ay weli jirto  hubinti ;la’aan ah oo laga soo sheegayo ra’iisal wasaare Abiy Axmed oo aan muddo saddex todobaad ku dhow war loo hayn geeri iyo nolol, waxaana tan iyo mudadaa diblamaasiyiinta booqanaya dalka la kulmayay ra’iisal wasaare ku xigeenka, isla markaana ah wasiirka arrimaha dibedda Demeke Mekonnen Hussen oo la rumaysan yahay inuu yahay ninka awoodda dalka sidaa kula wareegay.