Araweelo News Network.

Midawga Afrika Oo Awaamiir Cusub Siiyay Ciiidamada AMISOM Ee Ku Sugan Soomaaliya Kaddib Mudaharaadyo Hubaysan

Muqdisho(ANN)-Taliska Ciidmada Midawga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, ayaa lagu amray in ay dhex-dhexaad ka noqdaan rabshadaha dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay guddida nabadgelyada iyo amaanka ee loo soo gaabiyo AUC, ayaa lagu wargeliyay ciidamada nabad ilaalinta ee hawlgalka Soomaaliya ee AMISOM, in aannay ku dhex milmin dhinacyada siyaasada.

 

Ciidamada AMISOM,  ayaa la faray in ay ku shaqeeyaan awooddaha la siiyey, oo ay ilaaliyaan hantida iyo nafta kuwa ka tirsan AMISOM iyo meelaha ay ilaaliyaan sida Villa Somalia, haddii awood laga maarmi waayana ay awood macquul ah adeegsadaan.

Qoraalka kasoo baxay Guddida sare ee nabadgelyada iyo Amniga ee Midawga Afrika, ayaa kusoo beegmay, iyadoo 48kii saacadood ee u danbeeyay magaalada Muqdisho ay si weyn xaaldeedu isku bedeshay, kaddib khilaafka doorashada Soomaaliya oo sii xoogaysatay, isla markaana waxa magaalada Muqdisho ka dhacay maanta mudaharaad hubaysan oo sababay is rasaasayn, kaasoo ay kooxaha mucaaradku soo abaabuleen, wallaw aan la shaacin dhimasho iyo dhaawac wixii ka dhashay mudaharaadkaa oo ciidamada amaanku rasaas ku kala dareeriyeen.