Araweelo News Network.

“Waa In Lagu Khasbaa Farmaajo Inuu Xilka Ku Wareejiyo Golle Ku Meel Gaadh Ah”Bayaanka Murrashaxiinta Soomaaliya.

Hoggaamiyayaasha mucaaradka Soomaaliya ee Madasha 20 Jun 2020 Image File, Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Kooxda la baxday gollaha murrashaxiinta ee mucaaradka ku ah xukuumadda xilligeedu dhamamaday ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa baaq u diray Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay.
Kooxda la baxay gollaha murrashaxiinta, ayaa qoraal dheer oo ay kaga hadlayaan xaaladda siyaasadeed ee xilligan Soomaaliya, waxay ku socodsiiyeen Dame Barbara Woodward oo ah haweenayda Madaxweynaha ka ah Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay, wakiilka joogtada ah ee dawladda Britain u jooga qaramada midoobay iyo Madaxweynaha gollaha amaanka.
15 xubnood, ayaa qoraalkaa oo ay maanta shaaciyeen, waxay ku xardheen magacyadooda iyo in ay yihiin murrashaxiinta doonaya in ay u tartamaan Madaxweynaha Soomaaliya, balse waxay ku eedeeyeen Madaxweynaha muddada xileedkiisu dhamaaday iyo xulafadiisa maamulka inay diideen ka shaqeynta fududeynta doorashooyin xor iyo xalaal ah. sidaa awgeed waxay ku dalbadeen in xaaladda Soomaaliya si dhaw loo soo farageliyo si loo hubiyo in si deg-deg ah loo qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha.
Waxay ka digeen haddii Golaha Amnigu aannu fara gelin xalaadda dalka Soomaaliya uu Farmaajo sii wadi doono carqaladeynta dadaallada lagu doonayo geeddi-socod doorasho oo dimuqraadi ah.
Waxay ka digeen xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta oo ay sheegeen in khatar ku tahay xasilloonida Soomaaliya , taas oo sida ay sheegeen ka dhalatay Siyaasada Farmaajo ee lagu bartilmaameedsanayo Dowladdaha xubinta ka ah Federaalka iyo kuwa siyaasad ahaan kasoo horjeedda, oo ay weheliso ficilkiisa ula kaca ah ee sida joogtada ah dib loogu dhigo doorashooyinka si loo raadiyo muddo kordhin sharci darro ah ama awood lagu qabsado qaab militeri.
Kooxda, ayaa codsaday in Farmaajo lagu khasbo inuu joojiyo dhammaan faragelinta lagu hayo howlaha doorashada iyo inuu xilka ku wareejiyo gole ku-meel gaadh ah oo qaran oo ka kooban Madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada iyo guddoomiyaasha Aqalka Hoose iyo gollaha shacabka.
“Waxaa burburay kalsoonidii siyaasadeed ee Soomaaliya, maxaa yeelay waxaan markhaati ka nahay dadaal nidaamsan oo uu Farmaajo ku doonayay inuu ku manjaxaabiyo dumuqraadiyadda, una adeegsado xoogag millateri si uu sharci darro xafiiska ugu sii joogo,” ayay ku yidhaahdeen qoraalka.
Sidoo kale, waxay kooxda murrashaxiintu  sheegeen in February 18-19 ay ciidamada dowladda federaalka oo ka amar qaadanaya Farmaajo ay isku dayeen dilka dhowr murrashax madaxweyne iyo hoggaamiyaasha mucaaradka, sida ay hadalka u dhigeen, ayna rasaas ku fureen iyaga iyo dibadbaxayaal kale oo si nabad ah isugu soo baxay magaalada Muqdisho si ay u dalbadaan doorasho deg deg ah, ayna sidoo kale Hotelka Ma’ida ku weerareen seddex musharax.
“Ficilladaan gardarrada ah ma ah keliya sharci darro iyo anshax xumo, laakiin waxay horumariyaan dhaqanka Farmaajo ee cabudhinta xuquuqda dadka Soomaaliyeed ee ah inay hadlaan oo ay si xor ah isu soo baxaan, arrintaas oo si aad ah u wiiqaysa rajada laga qabo doorasho xor iyo xalaal ah,” ayaa lagu yidhi, qoraalka.
Kooxda, ayaa ku eedeeyeen Farmaajo inuu Muqdisho ku urursaday ciidamadii xooga dalka Soomaaliyeed ee la filaayay inay la dagaallamaan Al-Shabaab, si ay weeraro cusub ugu qaadaan guryaha ay degan yihiin murrashaxiinta u taagan xilka madaxweynenimo, kuwaas oo ay sheegeen inuu doonayo qaabkii uu ku khaarajin lahaa murrashaxiinta iyo hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadeed.
“Midawga Murashixiinta waxay si xushmad leh uga codsanayaan Gollaha Ammaanka inuu qaado tallaabo deg deg ah oo lagu badhayo xasuuqyada uu geystey Madaxweynaha sharciyaddu ka dhamaatay si cadaaladda loo horkeeno kuwa ka masuulka ah dhibaatadii dhacday. Waxaa kale oo ay codsadeen in ficil si deg deg ah loo sameeyo si looga hortago dadaalada sharci darada ah ee taliska waqtigiisu dhamaaday ee ah inuu xukunka ku dheganaado, iyo in la hubiyo doorashooyin xor iyo xalaal ah todobaadyada soo socda.”
Qoraalka loo diray Madaxweynaha Gollaha Amniga ee Qaramada Midoobay,  Haweenayda Dame Barbara Woodward ayaa sidoo kale la oggaysiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Antony J. Blinken, Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamet,
Sidoo kale, waxa qoraalka lala socod siiyay Wakiilka Sare ee Midowga Yurub ee Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga ahna Madaxweyne ku-xigeenka Guddiga Yurub, Josep Borrell Fontelles, Wakiilka Midowga Afrika ee Nabadda iyo Amniga Danjire Smail Chergui, Xoghayaha Fulinta IGAD Dr. Workneh Gebeyehu, Xoghayaha guud ee OIC Dr. Yousef Bin Ahmad Bin Abdul Rahman, iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta, Axmed Aboul-Gheit, waxaana loogu baaqay in si degdeg ah arrinta khilaafka siyaasadeed ee doorashooyinka Soomaaliya loo soo farageliyo.