Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka #Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa furay shirka  Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ka furmay Magaalada Muqdisho.

Sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Rooble ee Villa Somalia oo nuqul ka mid ah soo gaadhay maanta shebekaddaha Araweelo News Network.

Sida lagu sheegay qoraalka Raii’sal Wasaare Rooble, ayaa ka warbixiyey qorshayaasha dowladda ee ku waajahan howllaha mudnaanta u leh ee ay ugu horreeyaan Amniga, Nabadda, Dhaqaalaha,Xaqiijinta Doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo dhammeystirka Qorshaha dib u eegista Dastuurka.

Araweelo News Network

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo furay shirka  Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka Image Araweelo News Network. 7 Desember 2020 Villa Somalia.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa xusay in mudnaanta koowaad  ay siinayaan xukuumad ahaan hirgelinta barnaamijka Xukumadda ee saldhigga u ah qabsoomidda Doorasho waqtigeeda ku dhacda oo waafaqsan heshiiskii Samareeb (Dhuusa-mareeb) iyo Muqdisho ee ay horay u gaadheen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, iyadoo la ilaalinayo qoondada haweenka loo qorsheeyey ee 30%.

“Heshiiskii arrimaha doorashooyinka ee ay gaareen Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee ku saabsanaa doorasho dadban, waxa uu ahaa heshiis siyaasadeed oo dhowraya qoondada haweenka ee 30% , isla markaana hagaya hirgalinta doorashooyinka soo socda”.ayaa lagu yidhi, qoraal saxaafadeedka.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo furay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka Image Araweelo News Network. 7 Desember 2020 Villa Somalia.

Mr. Rooble, ayaa tilmaamay in horumar laga gaadhay dib-u-habaynta dhaqaalaha iyo dayn-cafinta, haddana uu meel wanaagsan marayo, inkastoo sida uu ku sheegay warbixinta dhaqaalaha dalka oo nugul ay saamayn ballaadhan ku yeesheen xannuunka COVID-19, sidoo kale Ayax bu-buriyey dalaggii beeraha iyo duufaanta Gati ee soo gaadhay xeebaha Bariga Soomaaliya ee Puntland.

Araweelo News Network

Ra’iisal wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Garyqaan Khadar) oo ka qaybgalay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ka furmay Muqdisho. Image Araweelo News Network. 7 Desember 2020 Villa Somalia.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay sida lagu sheegay qoraalka in ay xukuumaddisa ka go’an tahay dib-u-habaynta amniga, dhismaha ciidanka, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada ah iyo xoraynta goobaha ay ku sugan yihiin, dib-u-soo celinta noloshada bulshada ku barakacay colaadaha argagixisada iyo u diyaarinta ciidanka qaranka sidii ay amniga guud ugala wareegi lahaayeen AMISOM.

James Swan, Araweelo News Network

Ambassador James Swan, Wakiilka Khaaska ah ee Xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ka furmay Muqdisho. Image Araweelo News Network. 7 Desember 2020 Villa Somalia.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay si loo xoojiyo hannaanka dowlad dhisidda Soomaaliya  inuu booqashooyin ku tageyo dowlad gobolleedyada dalka, taasoo uu ku macneeyay in ujeedadeedu taahy  sidii Soomaaliya horumarkeeda wadajir loogu sii ambaqaadi lahaa.

Ambassador Mehmet Yilmaz, Araweelo News Network

Ambassador Mehmet Yilmaz Safiirka Dawladda Turkiga ee Somalia oo ka qaybgalay shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ka furmay Muqdisho. Image Araweelo News Network. 7 Desember 2020 Villa Somalia.

Sida lagu xusay qoraal saxaafadeedka shirka, waxa goob-joog ka ahaa Ra’iisal Wasaare Ku-xigeenka Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Garyqaan Mahdi) , Madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka oo Khadka Internetka uga qeyb-galay , Duqa Muqdisho iyo Wakiillo ka Socda Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah la iskula gartay dar-dargelinta barnaamijyada saldhigga dowladnimada Soomaaliya.

Alt, Araweelo News Network

Ka qaybgalayaasha shirka Madasha ee Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha caalamka oo ka furmay Muqdisho. Image Araweelo News Network. 7 Desember 2020 Villa Somalia.