Araweelo News Network.

#Somalia: Daneeyayaasha Oo Baaq Digniin Ah Kasoo Saaray Khilaafka Iyo Xaaladda Cakiran Ee Doorashada Soomaaliya

Nairobi(ANN)-Dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya, Qaramada midoobay, hawlgalka  Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Midawga Yurub iyo Urur goboleedka IGAD, ayaa ka digay khilaafka ka taagan qaabka ay dawladda Federaalka ee Soomaaliya u wado hirgelinta doorashooyinka.

Sidaana waxay ku sheegeen qoraal caawa ay wada-jir usoo saareen, kaas oo ay ugu baaqeen dawladda in ay meel mariso heshiiskii hore looga gaadhay arrintaa.

 

Qoraalka ayay ku bilaabeen sidan:-

“Daneeyayaasha iyo Saaxiibada Soomaaliya ee caalamku waxay aad uga walaacsan yihiin is-mari-waaga ka taagan hirgelinta hanaanka doorasho ee 17-kii September ay ku heshiiyeen Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah.

Waxaan ugu baaqaynaa saamilayda siyaasadeed ee sare inay muujiyaan hoggaan, iyadoo la tixgelinayo danta umadda iyo inay si dhakhso leh u xalliyaan arrimaha ka taagan hirgelinta,  iyadoo loo marayo isu-tanaasul, si loosii guda galo geedi-socod doorasho oo lagu kalsoonaan karo oo u dhaca sida ugu dhakhsiyaha badan.

Saaxiibadu waxay ka mahad celinayaan dedaalladii lagu dhaqaaqay dhowaan. gaar ahaan, waxay soo dhowaynayaan booqashadii ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku tegey Galmudug iyo Puntland; wada hadalladii dhex maray madax sare oo badan oo Soomaaliyeed oo uu garoowe ku martigaliyay madaxweynaha Puntland Siciid Deni; iyo xidhiidhadii uu sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye “Qoor Qoor,” oo soo gudbiyay talooyinkii ka yimi garoowe, kuwaas oo uu usoo gudbiyay madaxda DFS iyo xubnaha kale ee siyaasadda.

Saaxiibada Soomaaliya, waxay garwaaqsanyihiin in Heshiiska 17kii September oo ay ansixiyeen dowladda Federaalka ah, dhammaan dowlad gobolleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka ah iyo labada golle ee Baarlamaanka, waxaana sidoo kale soo dhoweeyay musharaxiin badan oo u taagan xilka madaxweyne.

In kasta oo saaxiibada iyo dad badan oo Soomaaliyeed ay ka niyad jabeen in hanaankan uu aad uga hooseeyo doorashooyinka “qof-iyo-cod” ah, ayaa haddana heshiiska 17kii September wuxuu yahay aasaaska kaliya ee la aqbali karo in loo maro doorashooyinka 2021.

Ma jiri karo dib-u-furid lagu sameeyo Heshiiska 17-kii September ama abuuritaanka hanaan kale ama mid barbar-socda. Waxaa loo baahan yahay in is-faham ballaadhan oo loo wada dhanyahay laga gaadho hirgelinta heshiiskaas si loo xaqiijiyo kalsooni lagu qabo geeddi-socodkan.

Tani waa in ay la jaan-qaaddo ballan-qaadyadii lagu heshiiyay ee shirkii Madasha Iskaashiga Soomaaliya. Saaxiibadu waxay soo dhawaynayaan dedaallo dardar-gelin leh oo sida ugu dhakhsiyaha badan loogu xalliyo arrimaha taagan, looguna soo gebagebeeyo is-faham la gaadho maalmaha soo socda, si ay doorashadu u bilaabato dabayaaqada bishan.

Saaxiibadu waxay ku boorrinayaan madaxda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan oo ay si buuxda u hirgeliyaan qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ku yeelanayaan baarlamaanka, sidii ay ugu ballanqaadeen heshiiska 17kii September.

Saaxiibada caalamku waxay mar kale ku celinayaan in hanjabaad kasta ama adeegsiga rabshado aan la aqbali karin. Waxay sidoo kale carrabka ku adkeynayaan ahmiyadda ay leedahay in la helo jawi siyaasadeed xor ah oo furan,  kaas oo murrashaxiinta ay awooddaan inay si nabad ah ku soo bandhigaan aragtiyahooda, isla markaana ay warbaahintu awood u leedahay inay ku shaqayso xayiraad la’aan.

Waa in la joogteeyo jawigii wadahadalka iyo isu-tanaasulka ku salaysnaa ee hor-seeday in la gaadho Heshiiska 17kii September si geedi-socodka doorashada hore loogu sii amba qaado.

Bayaanka waxa wada-jir usoo saaray hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Ethiopia, Midowga Yurub, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay.

Bayaanka ayaa kusoo beegmay, iyadoo xiisad weyni ka aloosantahay arrimaha doorashada Soomaaliya, taas oo ay isku khilaafsan yihiin qaar ka mid ah maamul gobolleedyada iyo midawga murrashaxiinta.