Araweelo News Network.

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan wadatashi ah la qaatay Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo culima’udiinka Soomaaliyeed.

Kulanka, ayaa ujeedadiisa lagu sheegay mid lagu xoojinaayey xidhiidhka wada shaqayneed ee Urrurada Bulshada, Culima’udiinka iyo dowladda, sidoo kalena lagaga wadatashanayay tallooyinkooda ku addan sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho nabadoon.

Sida lagu sheegay qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network maanta, Ra’iisal wasaare Rooble, ayaa bulshada rayidka ah iyo culima’udiinka warbixin faah faahsan ka siiyay dadaallada xukuumadda ee ku waajahan qabsoomidda doorasho xasillooni u dhacda oo ka qabsoonta dalka.

Dhinaca kale, wuxuu u sheegay booqashooyinkii uu ku tegey dhowaan maamul gobolleedyada Koonfur Galbeed, Puntland iyo Galmudug in ujeedada uu ka lahaa ahayd, sidii loo xalin lahaa tabashooyinka jira.

Qoraalka, ayaa lagu xusay in Guddoomiyaha Ururrada bulshada rayidka ah ee SONSA. Cismaan Muxyadiin Shaatax ayaa dhankiisa sheegay in Ra’iisal Wasaaraha ay isla meel dhigeen dhowr qodob oo saldhiggoodu yahay in dalka ay ka dhacdo doorasho ku qabsoonta jawi nabdoon, iyadoo la ilaalinayo heshiisyadii siyaasadeed ee laga gaadhay doorashooyinka.

Sidoo kale, waxa lagu xusay qoraalka in guddoomiyaha SONSA,  tilmaamay in ay la wadaageen tallooyin wax dhisaya, iskuna afgarteen in meel looga soo wada jeesto wax walba oo dhaawacaya nabadda iyo horumarka dalka.

Dhinaca kale, khilaaf weyn oo cakiran ayaa ka taagan doorashooyinka Soomaaliya, iyadoo xukuumadda iyo maamul gobolleedyada iyo weliba madasha murrashaxiintu isku khilaafeen guddiyada doorashada iyo guud ahaan qaabka loo qabanyo doorashada.