Araweelo News Network.

#Somalia: Ra’iisal Wasaaraha Iyo Hay’addaha Amniga Oo Shiray Xaaladda Sii Xumaanay Ee Muqdisho

Muqdisho (ANN)-Ra’iisal Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan la qaatay hay’adaha amniga iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faray in la dardargeliyo sugidda amniga guud ee dalka, xilligan muhiimka ah ee dalku ku jiro doorashooyinka.

sida lagu sheegay qoraal kulanka kaddib kasoo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Networ ,ra’iisal Wasaaraha ayaa ka dhegaystay Hay’addaha ammaanka iyo Maamulka Gobolka Banaadir warbixinno ku saabsan xaaladdaha guud ee amniga iyo halka ay marayaan howlgallada lagu xasilinayo dalka.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa loogu baaqay shacabka Caasimadda in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si dhowna ula soo xiriiraan hay’adaha ammaanka, haddii ay dareemaan khataro, maadaama xiligan oo dalku ku jiro doorashooyin cadowga ummadda Soomaaliyeed uu doonayo in uu dhibaato u geysto bulshada.

Eng. Rooble ayaa si gaar ah ugula dardaarmay hay’adaha amniga in ay adkeeyaan wada shaqeynta dhanka amniga ee ay la leeyihiin bulshada Soomaaliyeed, taas oo muhiim u ah qorsheyaasha xasilinta dalka ee xiliga doorashooyinka.