Araweelo News Network.

Somalia: Ra’iisal Wasaare Rooble Oo Magcaabay Guddida Farsamo Ee Shirka Lagu Xallinayo Khilaafka Doorashada Laysku Khilaafay

Muqdisho(ANN)-Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudada xilkeedu dhammaaday, ayaa magwacday guddi farsamo oo gogol xaadh u ah shirka gollaha wadatashiga Qaranka.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia, ayaa lagu shaaciyay magcaabista xubaha guddida, iyadoo ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo saaray magcaabista xubnaha oo ka kooban Xukuumadda Federaalka ah, Dawlad gobolleedyada xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir.

Magcaabista kasoo baxday xaf’iiska ra’iisal wasaaraha oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekaddaha Araweelo News Network, ayaa u dhignayd sidan:-

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi farsamo oo ka kooban Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, Dowlad Gobolleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddiga farsamo ayaa u gogol xaarayaa Shirka Golaha Wadatashiga Qaranku ay isugu imanayaan kaasoo lagu dhammeystirayo wadahadalladii arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeyay Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Gobolka Banaadir.

Xubnaha guddida uu Ra’iisal Wasaaruhu magacaabay waxa ay kala yihiin;

  1. Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac: Wasiirka Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya
  2. Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji : Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.
  3. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Puntland.
  4. Cabdullaahi Cali Xirsi Timacadde: Wasiirka Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Puntland
  5. Xirsi Jaamac Gaanni: Wasiiru-dowlaha Madaxtooyada Dowlad-goboleedka Jubaland.
  6. Mursal Maxamed Khaliif: Wasiirka Caafimaadka Dowlad-goboleedka Jubaland
  7. Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel): Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Galmudug.
  8. Aadan Cusmaan Xuseen (Qoryooley): Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Dowlad-goboleedka Galmudug.
  9. Axmed Madoobe Nuunow: Wasiirka Qorsheynta Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
  10. Maxamed Abuukar Cabdi: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Koofur Galbeed.
  11. Maxamed Cali Caadle: Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
  12. Caasho Khaliif Maxamed: Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Dowlad-goboleedka Hirshabelle.
  13. Basma Caamir Axmed: Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshada ee Gobolka Banaadir.
  14. Xiireey Axmed Rooble: Xoghayaha Gobolka Banaadir.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa u rajeeyay guddida in ay u gutaan waajibaadka loo igmaday si hufan oo ay xilkasnimo ku jirto.