Araweelo News Network.

#Soomaaliya Maxay Ka Tidhi xiisadda Ka Dhaxaysa @Kenya Iyo Dacwadii Ay Ka Gudbisay?

Muqdisho(ANN)-Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa sheegtay in caddaadis lagu saaray in la dejiyo xiisadda dublamaasiyadeed ee u dhaxaysa Kenya.

Xukuumadda Soomaaliya ee Madaxweyne Farmaajo, waxay sheegtay in ay oggolaatay in la dejiyo xiisadda ka dhaxaysa iyada iyo dalka ay  deriska yihiin ee Kenya intii lagu jiray shirkii Isniinta ka dhacay dalka Djibouti, kaas oo ahaa shirkii 38aad ee aan caadiga ahayn ee madaxda iyo dowladdaha IGAD.

“Madaxda IGAD, waxay na saareen culays badan, si aan u xallino arrimaha dublamaasiyadeed ee ka dhex jira ururka. Tani waa tillaabadii ugu horraysay ee lagu qaboojinayo xiisaddaha. Soomaaliya way aqbashay,  laakiin waxay ku xidhay shuruud ah in guddi soo baadha cabashooyinkayaga loo saaro” sidaa waxa yidhi, wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq.

AKHRI: Dagaalka Tigray Oo Kiciyay Xiisada Gobolka Iyo Suudaan Oo Ciidamo Kusoo Daabulay Xadka Ethiopia

Dhinaca kale, war qoraal ah oo kasoo baxay dawladda Soomaaliya, ayaa lagu yidhi, “Dowladda federaalka ee Soomaaliya waxay si dhow ula socotaa abaabulka millateri ee ay dowladda Kenya ka waddo deegaanka Mandheera ee woqooyiga Kenya.”

Shirka madaxda Urur goboleedka IGAD, ayaa markii hore lagu sheegay mid ujeedadiisu tahay xallinta dhibaatooyinka gobolka oo diiradda lagu saarayo xaaladda dagaalka Ethiopia ee gobolka Tigray,  xiisaddaha diblomaasiyadeed ee u dhexeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya iyo arrimo kale oo la xidhiidha duruufaha dhaqaale iyo caafimaad ee ku xeerran gobolka, balse waxa muuqatay in aan ahmiyad weyn la siin oo mudnaan waqti ku filan la siin, sida ka muuqatay war-murtiyeedka ay soo saareen madaxda IGAD, kaas oo aan nuxur baddan xanbaarsanayn, isla markaana ka koobnaa 21 qodob oo intooda baddan, amma kala badh lagu ammaanayay dalka Suudaan.

 

Dalalka ku bahoobay Urur gobolleedka IGAD, ayaa ka kooban,   Djibouti, Ethiopia, Kenya, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, Suudaan iyo Ugandha, iyada oo Ereteriya ay ka maqantahay kulamada tan iyo 201, kamana ay soo xaadirin shirka.

Dadka falanqeeya siyaasada mandaqada ayaa tilmaamay in Khilaafka u dhexeeya labada dal uu saamayn ku yeelanayo dagaalka lagula jiro kooxda Al-Shabaab ee fadhigeedu yahay Soomaaliya ee al-Qaacida, maadaama Kenya ay gudaha Soomaaliya ka joogaan in badan 3,500 oo askari si ay gacan uga geystaan sugidda amniga dalka Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah ciidamada AMISOM.

Sidoo kale, dalka Ethiopia oo dagaalo iyo qalalaase ka bilawday gudihiisa, ayaa ciidaamadiisa qaarkood kala baxay Soomaaliya, iyadoo Ethiopia ka mid tahay dalalka ciidamadda ugu badan ee AMISOM iyo kuwo aan ku jirin tirada hawlgalka AMISOM, ay ka joogaan Soomaaliya, waxa kale oo jira khilaafaad siyaasadeed oo dhanka Suudaan iyo Ethiopia oo dhanka xuduuda ah, kaas oo uu kiciyay dagaalka gobolka Tigray ee Ethiopia.

Waxayna dawladda Suudaan laba maalmood ka hor shirka IGAD, ciidamo soo dhoobtay xadka ay wadaagaan Ethiopia, gaar ahaan deegaanka Faqsha oo ay hore ugu muransanaayeen muddo dheer, isla markaana ah deegaan ku haboon Beerashada, iyadoo isku dhacyo khasaare dhaliyay ku dhexmareen labada ciidan ee Soodaan iyo Ethiopia maalmihii u danbeeyay.

Shirka, waxa guddoominayay ra’iisal wasaaraha dalka Suudaan, Abdalla Hamoudi, waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynah Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle, Abiy Ahmed, raiisal wasaaraha Ethiopia; Uhuru Kenyatta, madaxweynaha Kenya; Maxamed Cabdullaahi Farmnaajo, madaxweynaha Soomaaliya, iyo Rebecca Nyandeng De Mabior, madaxweyne ku-xigeenka Koonfurta Suudaan iyo Ergay metelayay Uganda.

Waxaa sidoo kale shirkaa oo socday maalin kasoo qayb -galay Moussa Faki Mahamat oo ah guddoomiyaha guddiga midowga afrika.