Araweelo News Network.

#Soomaaliya Oo Dadkeeda U Adeegsanay Tallaalka Ay Koonfur Afrika Joojisay

Muqdisho(ANN)-Dawladda Soomaaliya ee xilligeedu dhammaaday, ayaa shaacisay in ay dalka ku baahinayso Tallaalka la doonayo in uu difaac u noqdo xannuunka COVID-19, ee aduunka sida weyn ugu baahay.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya maanta, waxaana lagu soo bandhigay dadka ugu horeeya ee tallaalka qaadan doona iyo sida loo qaadan doono,

Nooca Tallaalka ee Soomaaliya la keenayo aylaa lagu sheegay inuu yahay AstraZeneca/Oxford vaccine, iyadoo  qiyaasta wajiga hore la heli doono ay tahay, 1,224,000.

Nooca tallaalka ee Wasaaradda Caafomaadka Soomaaliya sheegtay in ay dalka ka bilaabay ayaa ah mid ay dawladda Koonfur Afrika oo ka mid ah dalalka uu xannuunku ku habsaday ee ugu daran qaarada Madaw ee Afrika ay dalkeeda ka joojisay, iyagoo ku sababeeyay in Tallaalka .straZeneca/Oxford vaccine, noqday mid aan waxba ka tarayn difaaca xannuunka. sida lagu sheegay war ay maanta shaacisay xukuumadda Koonfur Afrika.

Salim Abdool Karim oo ah khabiir ku takhasusay xannnuunada faafa, isla markaana ah guddoomiyaha guddida latalinta wasiirada South Africa ee COVID-19, ayaa ka sheegay shir jaraa’id Axadii in soo saarida tallaalka ee South Africa “loo baahan yahay in si kumeel gaadh ah loo hakiyo”, wuxuuna  natiijooyinka niyadjabka leh. .Salim Karim wuxuu u sharraxay Sayniska in tallaalka  ay tahay in laga helo Koonfur Afrika qiyaastii,  isla waqtigaa, sidaa darteed waa in aannay dib u dhac ku imaan bilawga ilaalinta shaqaalaha daryeelka caafimaadka. ayuu yidhi.

Hase yeeshee dawladda Soomaaliya oo iyadu nooca Tallaalka ay koonfur Afrika joojisay u adeegsanay dadkeeda, ayaa sheegtay in ay u samaysay qorshe ay ku hirgelin Tallaalka, waxayna u dejisay qorshahan sida ay ku sheegtay qoraalka maanta kasoo baxay wasaaradda.

 

1-Shaqaalaha Safka hore: waxa Talaalka qaadan doona Dhammaan shaqaalaha Caafimaad ee ka hawlgala xarumaha guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay, shaqaalaha ku sugan Marinada laga soo galo dalka sida koontaroollada Xuddudaha dalka, garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo wadooyinka laga galo magaalooyinka, shaqaalaha dowladaha hoose ee sida maalinlaha ah ula falgala dadka ay u adeegayaan iyo macallimiinta.

2-Dadka da’da ah (50jir iyo wixii ka weyn)

3-Dadka sida gaarka ah ula tacaala xanuunada ee qaba xanuunada hoos u dhiga difaaca jirka ama si joogto ah ula nool xanuunada

Nooca Tallaalka ee Soomaaliya la keenayo ayaa ah AstraZeneca/Oxford vaccine qiyaasta wajiga hore la heli doono ayaa ah 1,224,000. Tallaalkan waxaa lagu keydin karaa heer kulul u dhaxeeya (2-8) cabbirka heer kulka ee degree centigrade taasoo macnaheedu yahay in lagu kaydin karo habka qaboojiyaha tallaalada ee dalkeennu leeyahay.

Wasaaradda Caafimaadka ayadoo si dhow ula shaqeyneysa hay’adaha WHO, UNICEF iyo Hay’adaha kale ee Caafimaadka kala shaqeeya waxay sida ugu dhaqsiyaha badan u billaabi doontaa Bixinta tallaalka COVID-19 isla marka ay timaado qeybta ugu horreeysa ee tallaalka.

Wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya waxay mudnaanta siisay diyaarinta habraacyada iyo Istaraatiijiyadda Tallaalka ayadoo kaashanaysa Hay’adaha bahwadaagta la’ah taasoo awood u siin doonta marka ugu horreysa inay tallaalka qataan shaqaalaha safka hore iyo dadka lanool cudurada halista u ah.

Guud ahaan tirade guud ee tallaalka la gaarsiin doono waa 3,000,000 (saddex milyan) oo qof, tiradaas oo si gaar ah looga tallaali doono xanuunka coronavirus. Qabashada ololayaasha dalka wuxuu uleeyahay qibrad maadama sanadihii hore la qaban jiray ololayaal kala duwan sida Dabeysha iyo jadeecada, isagoo dalku uu ka faaiidaysan doono khibraddaas aan mudada dheer u leenahay qabashada ololayaasha, waxaa inoo sahlanaan doonto bixinta tallaalka COVID-19.

Guddiga Qaran ee ka shaqeynta tallaalka COVID-19 ee la Sameeyey bishii November ee sanadkii tagay 2020 waxay gundhig u ahaayeen dhisidda iyo billaabidda maamulka ama Hay’adda Hay’adda Qaran ee maamusha Daawada iyo Tallaalada Qaranka ee kumeel gaarka ah si ay u qiimeyso oo u kormeerto shuruucda Isticmaalka , Tayada iyo badqabka tallaalka.

Somaaliya illaa iyo hadda waxay xaqjiisay helidda tallaal ku filan 20% dhamaan Bulshada, taasoo dabooli doonta inta badan dadka nugul ee aan kor kusoo sheegnay. Dowladdu waxey ku dadalaysaa sidii dhaqaale kale loogu heli lahaay in dhamaan bulshada hesho Tallaalka.