Araweelo News Network.

@Xiisadda Gil-gishay Deganaanshaha#Muqdisho Ee Ka Taagan Shaacinta Jadwalka Doorashada Soomaaliya

Muqdisho(ANN)-Xiisad kulul oo gil-gishay xasiloonida magaalada, ayaa ka taagan magaalada Muqdisho, taas oo ka dhalatay kadib markii guddiga doorashada Soomaaliya ee lagu muransanyahay ay shaaciyeen saacadihii lasoo dhaafay jadwalka doorashooyinka heer Federaal.

Kooxda la baxday golaha Midowga Murrashaxiinta, ayaa durbadiiba cambaareeyey go’aanka lagu shaaciyay jadwalka doorashada ee ay soo saareen guddiga doorashada Soomaaliya.

Arrintaa ayaa sababtay in Ciidamada ilaalada u ah Midowga Murrashaxiinta Soomaaliya ay la wareegeen agagaarka Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho iyo amnigiisa, halkaasi.

Ciidamada oo sugayey ammaanka Murrashaxiinta, ayaa xidhay wadada Maka Al-Mukarama, waxaana ay isku gadaameen isgoyska KM4, halkaas oo gaadiid dagaal oo ay wateen la dhigay wadada muhiimka ah ee u baxda garoonka diyaaraddaha, waxayna u diideen dadka iyo gaadiidka inay isticmaalaan wadooyinka soo gala Hotelka.

“Diiwaan gelinta tartamayaasha doorashada Aqalka Sare,  waxay billaabanaysa 26-ka December 2020, halka laga sugayo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada in liiska murashixiinta ay soo saaraan 29-ka December 2020, waxaana doorashada kuraasta golaha Aqalka Sare lagu soo dhammeystirayaa inta u dhaxaysa 31-ka December 2020 ilaa 6-da January 2021.”, sidaa waxa lagu yidhi, qoraalka guddigu ku shaaciyay jedwalka doorashada ee muranka iyo xiisadda abuuray.

Sidoo kale, waxay sheegeen  in 7-da January 2021,  la guda galayo diiwaan gelinta, xaqiijinta iyo tababarista xubnaha odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ah ee ka qeybgalaya xulista ergooyinka doorashada.

Hase yeeshee Midowga Murrashaxiinta Soomaaliya, oo durabdiiba jawaab diidmo ah ka bixiyay, ayaa kasoo horjeestay jadwalkan doorashada.

Waxayna qoraal ay ku muujinayaan sida aannay u aqbalayn oo ay xalay kasoo saareen Muqdisho ku yidhaahdeen “Goluhu wuxuu tallaabadan u arkaa billowgii boobka Doorashada heer qaran taas oo uu madaxweynuhu ugu badheedhayo xasarad siyaasadeed oo lagu bur-burinayo nidaamka dumuqraadiaga ah ee Udub dhaxaadka u ah xasilooni siyaasadeed oo Soomaaliya ka hirgasha,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka xalay.

“Goluhu wuxuu uga digayaa madaxda Dowlad Goboleedyada in ay ka sameeyaan kacdoon qabashada doorashooyinka aan la isku raacsanayn oo ka buuraya ama sababaya deegaamada ay maamulaan inay ka dhalato xaalad amni-daro” ayay ku yidhaahdeen qoraalka midawga Murrashaxiintu.