Araweelo News Network.

Xukuumadda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Mawqifkeeda Rabshado Gil-gilay Amniga Magaalada Iyo Mudaharaad Hubaysan

Muqdisho(ANN)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xilligeedu dhammaaday ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay rabshadihii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho ee khalkhaliyay amniga magaalada.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay  wixii dhacay, wuxuuna sheegay in aannay marnaba la aqbalayn mudaharaad hubaysan iyo in qof uu sheegto inuu magaalada qabsaday oo aannay dawladnimo ka jirin.

“waxaan ilaa shalay 48-kii sacadood ee lasoo dhaafay ku mashquulsanaa sidii aan uga hortegi lahaa in aannay dhicin wuxuu dhacay maanta, waxaan ayaandaro ah in la diiday in layla kulmo, waxaan shacbiga muqdisho ugu baaqayaa in aannay aqbalin in dib loogu celiyo halkii shalay oo la burbiriyo dhaqaalahooda iyo amnigooda iyo dawladnimadooda.” ayuu yidhi, Rooble.

Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu soo dhowaynayo cid walba oo doonaysa in dalka doorasho ka dhacdo iyo cid walba oo tabasho wadata, wuxuuna xusay in aannau isagu ahayn murrashax u taagan doorashada, balse ay ka go’antahay in dalka doorasho xalaal ah ka dhacdo.

Sidaa awgeed, wuxuu ku booriyay shaciga Magaalada Muqdisho in aanay dhegaysan kuwa doonaya in ay amaniga iyo dawladnimada burburiyaan oo ku celiyaan halkii laga soo bilaabay soddon sannadood ka hor.