Araweelo News Network

 

Muqdisho(ANN)-Ra’iisal Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali khayre ayaa la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh iyo la taliyaha madaxweynaha Yemane Gebreab oo Muqdisho u yimid wadahadallo heerkoodu sareeyo kadib booqashadii bishii July uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ku tegay magaalada Asmara.

Ra’iisal Wasaare Khayre iyo Osman Saleh ayaa ka wada hadlay adkaynta xariirka labada dawladood, hir-gelinta heshiisyadii madaxweynayaasha labada dal ay wada saxeeexdeen, Iskaashiga xasiloonida iyo horumarinta dhaqaalaha Gobalka geeska Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea Osman Saleh ayaa uga mahad-celiyay madaxda dawladda Soomaaliya sida wanaagsan ee Muqdisho loogu soo dhaweeyay wafdiga uu hoggaaminayo, isagoo sidoo kale ku bogaadiyay madaxda Qaranka horumarka ballaadhan ee dalku ku talaabsaday.

Dhammaadkii Bishii Julay ee sannadkan ayaa madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eretea waxa ay Asmara ku kala saxeexdeen heshiis dhigaya in labada dal ay ku dedaalaan sidii ay u samaysan lahaayeen iskaashi taabanaya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, dhaqanka, difaaca,  amniga Iyo in la yagleelo xidhiidh diblomaasiyadeed, Isla markaana la is dhaafsado danjirayaal, in sare loo qaado ganacsiga iyo maalgashiga labada dal dhexdooda ah, in la iswaydaarsado fursadaha la xidhiidha waxbarashada iyo dhaqanka iyo in si wadajir ah uga hawlgalaan sidii loo horumarin lahaa nabadgelyada, xasilloonida iyo isdhexgalka dhaqaale ee gobolka.

–DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo xidhiidhka
Muqdisho, Soomaaliya