“Xukuumadda KULMIYE waxay ku faantaa miisaaniyadda ayaannu labanlaabnay, waxaynu ognahay in miisaaniyadduna ku timaad cashuurta danyarta ah la saaro”

Hargeysa (ANN) Murrashaxiinta madaxtooyada ee xisbiga UCID (madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka)- Mr. Jamaal Cali Xuseen iyo Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa komrmeer indho-indhayn ah ku tagay suuqa Waaheen ee badhtahaha Hargeysa.
Jamaal Cali Xuseen iyo ku xigeenkiisa oo ka dib booqashadoodaasi Baska la raacay qaar ka mid ah Shacabka ku dhaqan Magaaladda Hargeysa ayaa waxa kale oo ay Xukuumadda ku dhaliileen qaabka ay uga haddasho Miisaaniyadda Dalka, waxaanay tilmaameen ay Dadkii la saarnaa Baskaasi ay u sheegeen in aanay jirin Xukuumadda Bulshada u Cadaalad samaysa.
Labada masuul oo suuqa Hargeysa kula kulmay dadweyne kala duwan oo qaybaha bulshada ka kooban, una badan ganacsato meherado ku haysta suuqa Waaheen, ayaa tilmaamay in kormeerkoodu la xidhiidho sidii ay wax uga ogaan lahaayeen xaallada ganacsi ee dadka, isla markaana u muujin lahaayeen inay yihiin murrashaxiin jecel inay dadkooda kula kulmaan meel kasta oo suuqada magaalooyinku ku jiraan.
Murrashaxa madaxweynaha ee xisbiga UCID Mr. Jamaal Cali Xuseen oo saxaafadda la hadlay, ayaa sheegay in miisaaniyadda ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku faanto tahay mid ka timaad cashuurta laga ururiyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan Somaliland, isagoo xusay in aan sidoo kale miisaaniyadaas loo adeegsan waxyaabo faa’iido u yeelan kara arrimaha bulshada.
“Xukuumadda KULMIYE waxay ku faantaa miisaaniyadda ayaannu laban-laabnay oo cirka ayaanu geynayn, waxaynu ognahay in miisaaniyadduna ku timaad cashuurta dadka danyarta ah la saaro, welibana danyarta ayaa cashuur dheeraad ah la saaraa, cashuurtaas la saarayo marka lagu kordhiyo waxay keentaa marka dambe sixir-barar ku yimaad maciishada, markaa miisaaniyaddan laga hadlayaa waa mid horumarin ah iyo mid ah kharashkii dawladda, mana aha in lagu faano kharashkii dawladda ayaa la kordhiyay. Kharashka dawladdu waa gaadiidka, casuumadaha iyo munaasibaddaha oo ah waxyaabaha aanay dadku u baahnayn ayaad moodaa inuu kharashku ku baxo,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
Waxa kaloo uu sheegay in aanay ka muuqan ummadda wax loogu qabtay miisaaniyadda xukuumaddu ku faanto inay kordhisay, waxaannu yidhi; “Miisaaniyaddan la leeyahay waa la kordhiyay inay ummadda ka muuqato ayaa la doonayay, annagu waxaanu samayn doonaa waxaas ka wax ka duwan, miisaaniyadda waanu eegi doonaa, meelihii u baahan in cashuur-dhimis lagu sameeyana waanu ka dhimi doonaa.”
Dhinaca kale, murrashaxa madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga UCID Mr. Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ka hadlay waxyaabaha ay kala kulmeen kormeerka ay ku tageen suuqa weyn ee Hargeysa shalay, waxaannu yidhi; “Shacabku waxay leeyihiin waxa loo baahan yahay dawlad caddaallad ah. Waxa loo baahan yahay dawlad loo simanyahay oo saxaafadda xaq-dhawrta, markaa runtii anaga waxay noo ahayd maalin wanaagsan oo aanu dareenka bulshada aanu wax ka ogaano, waanan ogaanay in dadku u baahan yihiin is-beddel iyo horumar.”
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com