Araweelo News Network

‘Qofka Xoolaha Ummadda Wax ka Cunnaa Dhuxulo Dab ah ayuu Guranayaa’ Eng. Faysal Cali-waraabe

Boorama (ANN)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ahna murrashaxa Madaxweynaha ee xisbigaas Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay inuu dhisi doono dawlad ku dhaqanta kitaabka qur’aanka kariimka ah iyo sunnaha Nebi Muxamed (SCW), haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan bisha November 2017, haddii Ilaahay aqbalo.
Guddoomiyaha UCID oo safar shaqo ugu baxay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal shalay, waxa uu tilmaamay in dadweynuhu kala garanayaan isaga ah iyo murrashaxiinta la tartamaysa ee xisbiyada KULMIYE iyo WADDANI (Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Cirro), waxa uu xusay in loo baahan caddaalad iyo in loo sinnaado khayraadka dalka.
“Waad ogtihiin ragga ila tartamaya maanta oo Ilaahay iyo idinkuba waad na kala taqaanaan, waxaanna loo codaynayaa waxa weeye; ‘waar yaa Somaliland midaynaya? Waxa aan doonaynaa in aan samaysano dawlad ku dhisan caddaalad oo kitaabka Ilaahay iyo sunnaha Nebigeena (SCW) ku socota oo aan ahayn gobol gobol iyo qabiil oo inaga oo umad ah aynu odhan doono maxaa inoo wanaagsan, si loogu sinnaado waxa aynu haysano, haddii ay tahay tacliinta, biyaha, caafimaadka, horumarkana loo sinnaado. Walaalayaal, qabyaalad iyo gobolaysi laguma dhisi karo dal, waxaanna dal lagu dhisi karaa midnimo,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.
Waxa kaloo uu tilmaamay in haddii uu ku guulaysto doorashada Madaxtooyada uu ka shaqayn doono sidii loo dumin lahaa, meeshana looga saari lahaa gidaarada qabyaaladda ah ee lagu kala qaybiyey bulshada Somaliland, shaqo abuurna u samayn doonaan dhallinyarada kala duwan ee dalka.
“Waxa aannu doonaynaa in qofkasta oo reer Somaliland ah uu helo biyo nadiif ah, haddii Ilaahay yidhaah, waxa aannu doonaynaa in qofkasta oo reer Somaliland uu helo caafimaad, intaasba waynu samayn karnaa, Insha Allaah, haddii aynu helno madax wanaagsan oo aan ifka u shaqaysanayn ee u shaqaysana aakhiradooda. Qofka Madaxda ah waa inuu ogaado inuu dhimanayo oo aakhiro la isweydiinayo, shillinka aad ka cunto ummaddu aakhiro dhuxul ayuu kugu noqonayaa, qofka xoolaha ummadda wax ka cunnaana dhuxulo dab ah ayuu guranayaa,” ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID.
Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa sheegay in badeecadaha lagala soo dego dalka dibadiisu uu qayb ka yahay sicir-bararka saamaynta xun ku yeeshay bulshada, waxaannu yidhi; “Wax kasta doollar ayeynu ku doonaynaa, hadhuudhkeennii ayeynu ka tegaynaa, arabikhideennii (raashinka waddaniga ah) ayeynu ka tegaynaa oo waxa aynu doonaynaa bariis iyo baasto ayeynu dalbanaynaa, labadaas (hadhuudhka iyo galayda) ayaana ka fiican, kana nafaqo badan. Waxa aynu jecelnahay in aynu cuntadeena beeranno, waxa aynu doonaynaa in aynu isku xidhno waddooyinkeena si waddankeennu isugu xidhmo.”
Waxaannu intaas ku daray; “Doollarkan aynu isticmaalayno ayaa qayb ka ah sicir-bararka, innagu Maraykan ma nihin ee Somaliland ayeynu nahay, waa in aynu isticmaalno Somaliland shillin oo aynu socod siino lacagteena, waana in la mamnuuco in wax lagu kala iibsado doollar, hana la joojiyo qaadka lagu iibsanayo doollarka oo habeen kasta boqolaal kun oo doollar ay inaga galaan Itoobiya, innaguna waxba uma dhoofino Itoobiya, haddii ay tahay millix, kalluun, wax kalena uma dhoofino ee iyaga ayuun baa wax inoo soo dhoofiya.”
Guddoomiyaha UCID, ayaa ballanqaaday inay dhisi doonaan dawlad ku shaqaysa cilmi, waxaannu yidhi; “Waxa aannu dhisi doonaa dal ku dhisan cilmi oo aan qabiil ku dhisnayn, waxaanan abuuri doonaa wasiirro u qalma xafiiskooda oo aan qabiil lagu keenin ee cilmi lagu keenay, qabiilka iyo jahligana waynu la-dagaalami doonaa, waxaynu dhisi doonaa ummad midaysan oo Ilaahay ka baqaysa.”
“Waa in uu shaqeeyo sharcigu oo lagu dhaqmo, waana in aan laga sarayn sharciga oo lagu tuman. Qofka madaxda ah waa inuu ogaado inuu u shaqaynayo shacabka ee maaha inuu dadka xukumo, balse wuu u shaqaynayaa oo wasiirku waa shaqaale, garsooruhu waa shaqaale, Madaxweynuhu waa shaqaale oo idinka (dadweynaha) ayaa loo shaqaynayaa,” ayuu yidhi Eng. Faysal Cali-waraabe.