Araweelo News Network

Cabdiraxmaan Guribarwaaqo

Hargeysa (ANN)- Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa jawaab ka bixisay hadal kasoo yeedhay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo la xidhiidha heshiiska saddex-geesoodka ah ee ay kala saxeexdeen dalalka Somaliland, Ethiopia iyo Shirkadda DP WORLD, kaasoo la xidhiidha saami-qaybsiga maalgashiga lagu samaynayo dekedda magaalada Berbera.

Sidaana waxa lagu sheegay warsaxaafadeed uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax [Guri-barwaaqo], isagoo sidoo kale jawaab cad ka bixiyey hadal lid ku ah heshiiska maalgashiga Dekedda Berbera oo ka soo yeedhay Ra’iisal-wasaaraha Dawladda aan Iskeed Isku Maamulin ee Soomaaliya, kaasoo saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho maalintii Jimcaha.

Ugu horayn, Wasiirka Warfaafinta Somaliland, waxa uu soo bandhigay waxyaabo is-burinaya oo ku jiray warsaxaafadeed ay Maamulka Muqdisho ku sheegeen inay ka soo horjeedaan heshiiska lagu maalgelinayo dekedda caalamiga ah ee Berbera, waxaannu yidhi; “Dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa Jimcihii ay taariikhdu ahayd 2/03/2018 soo saartay warsaxaafadeed ay kaga soo horjeedo heshiiskii saddex-geesoodka ahaa ee dhexmaray dawladaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Itoobiya iyo shirkadda DP World taariikhdu markay ahayd 1 March 2018.

Haddaba, warsaxaafadeedkaas ayaa ahaa mid is burinaya, sidan hoos ku cad:

• Qodobka 1aad waxa lagu sheegay in laba dhinac oo kala ah Itoobiya iyo DP World ay heshiis wada galeen, arrinkaasi dhabta aad uga fog.

• Qodobka 2aad waxa ee warsaxaafadeedkaa waxa lagu caddeeyey in Somaliland, Itoobiya iyo DP World heshiis wada galeen, iyagoo markii hore is diidsiiyey inay xusaan jiritaanka darafka Somaliland.

• Qodobka 3-aad, ayaan darro, waxa ku cad inay isdiidsiinayaan in aynu ahayn laba dawladood oo midoobay sannadkii 1960kii, kala baxayna sannadkii 1991kii, taasoo ah gef iyo gardarro oo qaranka Jamhuuriyadda Somaliland lagu la kacay. Dastuur ay sheegeenna uu iyaga (Soomaaliya) u gaar yahay.”

Wasiirka Warfaafinta, ayaa sidoo kale madaxda Soomaaliya xasuusiyey in dalka Jamhuuriyadda Somaliland uu yahay waddan madaxbannaan oo leh dastuur iyo shuruuc u gaar ah oo u fasaxaya inay heshiisyo caalami ah la geli karaan Beesha Caalamka.
Sidaas awgeed, waxaannu madaxda dawladda Federaalka Soomaaliya xusuusinaynaa:

1. In Jamhuuriyadda Somaliland ay leedahay, kuna dhaqanto dastuurkeeda, kaasoo dadkeedu 97% u coddeeyeen rubuc qarnina lagu soo dhaqmayey.

2. In qodobka 90aad, fiqradiisa 6aad ee xeerka Jamhuuriyadda Somaliland dhigayo inay Somaliland heshiis la geli karto ciddii ay doonto.

3. Madaxweynihii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud [Silaanyo] iyo madaxweynihii hore ee Dawladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ay bishii Diisamber (December) ee sannadkii 2014kii, magaalada Jabuuti ku heshiiyeen in aan la siyaasadayn heshiisyada mashaariicda lagu horumarinayo gobollada Geeska Afrika.

4. Inaanu heshiiskani ahayn mid cusub ee uu yahay dhammaystirka heshiiskii bishii Ogost (August) 2016kii ay Jamhuuriyadda Somaliland iyo DP World wada galeen, baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland-na ansixiyeen.

5. Inkastoo aan Jamhuuriyadda Somaliland la aqoonsan, haddana lama diidi karo xaqiiqada jirta ee ah in Adduun weynuhu ka warqabo in dadka reer Somaliland ay dawladnimadoodii la soo noqdeen, waxaana marag ugu filan in Ra’iisal-wasaare Xasan Khayre oo jooga dalka Isu-tagga Imaaraadka hortiisa heshiisyo dawli ah lagu la galay Jamhuuriyadda Somaliland.

6. Riyada midnimada Soomaaliyeed intaanu ka hadal, waxa ka habboon inuu mideeyo degmooyinka magaalada Muqdisho ee aanu maamulin,” ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Dhinaca kale, waxa uu Wasiir Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo sheegay in dawladaha ku yaal mandaqadda Geeska Afrika ay soo dhaweeyaan heshiiska saddex-geesoodka ah ee ay kala saxeexdeen dalalka Somaliland, Itoobiya iyo Shirkadda DP WOLRD.

“Ugu dambayntii, waxa aanu filaynaa in dawladaha Geeska Afrika ay soo dhaweeyaan heshiiskaasi horumarineed oo waxtar weyn u leh dadweynaha iyo dawladaha gobolka Intaba,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka uu ku saxeexan yahay Wasiirka Warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax (Guri-barwaaqo).