Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb-galay kulan ballaadhan oo lagu unkayo qorshaha afarta sano ee socda ay yeelan doonto wasaaradda xidhiidhka Goleyaasha iyo Arrimaha Distoorka oo ay soo qaban-qaabisay wasaaraddaasi.

Kulankan oo lagu qabtay Hotel Mansoor ee magaalada Hargeysa maanta, ayaa waxa ka qaybgalay, madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), madaxweyne-ku-xigeennadii labaad iyo Afraad ee Somaliland soo maray, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, wasiirka wasaaradda Xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka wasaaradda shaqogelinta iyo horumarinta arrimaha bulshada, Marwo Hinda Jaamac Gaanni, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, Mudane Xasan Axmed Aadan, wasiir-ku-xigeenka wasaaradda Qorshaynta qaranka, Mudane Xuseen Ibraahim Buuni, guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali-waraabe, xildhibaanno katirsan goleyaasha guurtida iyo wakiillada, xubno ka socda beesha caalamka, xeel-dheerayaal ku takhasusay arrimaha shuruucda iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa looga gol leeyahay sidii ay wasaaradaasi u yeelan lahayd qorshe cad oo ay ku hawlgeli doonto muddada afarta sano ee soo socda, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo lagu hogo-tusaalaynayo baahida uu qaranku u qabo wasaaraddan iyo waxyaabaha ay muhiimka tahay inay ka saacaddo guud ahaanba bulshoweynta reer Somaliland.

Ugu horrayn sharci-yaqaanno wasaaradda kala talin doono dedaalka ay ugu jirto sidii ay u yeelan lahayd qorshe-hawleed ay ku gaadho yoolka dheer ee ay leedahay oo halkaas ka hadlay, ayaa shaaca ka qaaday inay xil weyn iska saari doonaan sidii loo hirgelin lahaa qorshe dhaxal-gal ah oo ay wasaaraddani ku hawlgeli doonto.

Wasiirka wasaaradda xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Distoorka, Mudane Maxamuud Xaaji Aadan Cilmi oo halkaas ka hadlay, ayaa ku dheeraaday, sida ay wasaarad ahaan uga go’an tahay inay kulankan ka helaan qorshe midho-dhal ah oo qaranka dani ugu jirto, waxaana uu sharraxay muhiimadda ay wasaaraddani qaranka ugu fadhido, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxaanu urursan doonnaa talooyinka iyo soo jeedimaha wanaagsan ee kulankan kasoo bixi doona, hawsha wasaaradduna waa xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha Distoorka, taas oo macnaheedu yahay horumarinta Distoorka iyo shuruucda ka farcamaysa oo horseed u ah dhammaanba horumarka qaranka, waxaana waajib ah inaynu dhammaanteed isugu wada tagno oo ka wada-tashanno meelmarinta iyo kor u qaadista sarraynta sharciga, bulshadeena iyo hay’adaha kala duwan ee qaranka aynu barno Distoorka iyo shuruucdiisa, si ay u fududaato u hoggaansanka sharcigu.”

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa isaguna hoosta ka xarriiqay in qaran ahaan loo baahan yahay in maskaxda la tuujiyo, isla markaana lasoo saaro natiijo la intifaacsado, waxaana uu yidhi, “Waxa aynu u baahanahay inaynu ummad shaqaynaysa oo waqtigeeda ilaalisa noqonno, saddexdii maalmood ee aad hawsha u qorsheyseen midi idin dhaaftay, laba kalena way idiin hadheen, kol haddii la isu yimaaddona inaynu maskaxda tuujino oo wax wanaagsan lasoo saaro oo qof waliba waqtiga iyo saacadaha ixtiraamo si aynu wax wanaagsan oo midho-dhal ah u soo saarno.”

Madaxweyne-ku-xigeenku, waxa uu si mug leh u sharraxay muhiimadda u leeyahay Distoorka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo udub-dhexaad u ah shaqooyinka loo igmaday wasaaraddan, waxaana uu bulshada ugu baaqay inay qaddariyaan distoorka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla, “Waxyaabaha culayska la saari doono waxa kamid ah Distoorka oo arrin qaran ah, Distuurkuna waa heshiis bulsho, ama wax ummadi ku heshiiso oo ay danaheeda iyo horumarkeeda u samaysato, wax dhammaystiranna ma aha oo waxa kaliya ee dhammayska tirani waa Qur’aanka Kariimka ah, wax kasta oo Bani’aadam sameeyeyna mar walba waxa uu u baahan yahay in dib-u-eegis lagu sameeyo. Waxa aynu isla garanayn in distoorkeena oo la qoray dhawr iyo toban sano ka hor oo dedaal badan la geliyey oo runtii aad u qiimo badan, haddana mar haddii muddo lagu shaqeeyey, waxa aynu isla garanay in dib u eegis lagu sameeyo oo wixii laga sixi karo, laga saxo, wixii waqtigaas laga illaawayna lagu daro, furistiisana loo maro waddo sharci ah, haddii aynu umadda reer Somaliland nahayna waxaan leeyahay haddii aynaan ixtiraamin wixii aynu ku heshiinay qaran noqon maynno,” ayuu yidhi madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).

Wa-Bilaahi Tawfiiq