Hargeysa(ANN)- Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa Maanta Shaaciyey Guddi Culimo heer Qaran ah oo ka shaqay doonta la-dagaallanka Gudniinka iyo cidhib-tirka dhibaatooyinka uu ku keeno gabdhaha iyo guud ahaan Haweenka.

Guddigan oo marka la soo koobo la yidhaahdo Somaliland Religious Leaders National Strategic Advisory Group, ayaa si toos ah u hoos iman doonta Wasaaradda Diinta. Waana markii Koowaad ee Guddi noocan ah ay ku dhawaaqdo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, si xal loogu helo arrinkan.

Shirkan oo Lagu qabtay Hoteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo ay isugu yimaaddeen Culumo ka kala socotay Goballada kala duwan ee dalka, ayey Culimadu muddo laba cisho ah kaga doodayeen xal u helidda dhibaatooyinkaas iyo sidii bulshada looga wacyigelin lahaa caadooyinka aan shareeca da Islaamka waafaqsanayn iyo weliba hirgelinta guddigan Culimada ah.

Xidhitaankii Shirkaas, waxaa ka qaybgalay Masuuliyiinta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ka sokow, waxaa ka qaybgalay Wasiir Ku-xigeenka Horumarinta Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, Drs Adna Aadan Ismaaciil, Madaxa Xafiiska Hay’adda WHO ee Somaliland Jamaal Imran, Madaxa Xafiiska Somaliland ee Hay’adda UNFPA iyo Drs Faa’isa Ibraahim, Guddoomiyaha Ururka Umulisooyinka iyo Kalkaaliyeyaasha Caafimaadka ee Somaliland Foosiya Ismaaciil, Agaasimaha Dalladda Nafis Cabdiraxmaan Cismaan Gaas, kuwaas oo dhammaantood si isku mid ah u soo dhaweeyey go’aankan Wasaaradda Diintu Guddigan heer Qaran ee Culimada ah ku magacawday.

Hase-yeeshee, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Aadan Cabdillaahi Cabdalle oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan noqotay in guddigan la sameeyo, waxaanu yidhi; “Wasaarad ahaan runtii dedaal badan baannu samaynay, waxaannu nahay wasaaraddii ugu horreysay ee soo saarta Fadwo cad oo runtii u hiilinaysa Hableheenna lagu dhibaateeyo gudniinka Fircooniga ah.”

“Walaallayaal waxaynu ognahay in lagu dhibaateeyo Hableheenna, iyadoo la leeyahay waa sunne, taas Culimo ahaan meel cad baynu ka istaagnay. Shirkeenna maanta soo gebogaboobay waxa ka soo baxay Guddi Qaran oo Somaliland Religious Leaders National Strategic Advisory Group (SAG) la yidhaahdo, oo ka shaqayn doonta hawshaas oo Wasiirku si rasmi ah ugu dhawaaqi doono.” Sidaa ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland.

Dhakhaatiirta iyo Masuuliyiinta Hay’adaha kala duwan ka socday ee Shirka ka qaybgalay, ayaa sheegey in Guddigani tahay mid muhiimaddeeda leh oo Qaranku aad ugu baahnaa, isla markaana waxay u rejeeyeen inay xal guul lagu gaadhi karo keeni doonaan.

Waxaa Xubnaa ka mid ahaa Drs, Edna Aadan Ismaaciil oo dhawr iyo afartankii sano ee u dambeeyey u ololaynaysay joojinta tacaddiyada ka dhanka ah Haweenka, waxay tidhi; “Howshan la-dagaalanka Gudniinka Gabdhaha cidi namay soo farin, anigu umuliso ayaan ahay, 61-sanno ayaan dumarka ka dhalinayey, waxa I hor-fadhiyey qof dumar ah oo hilbaheedii cidhiidhi noqdeen oo ilmihii caloosheeda ku beermay uu soo bixi kari waayey oo uu siriray oo ay kalliftay inaanu jar-jarno si aanu u badbaadinno nafta halkaas ku sirirsan. Waxaynu noqotay wax aan maalin kasta toban jeer arko.”

Edna Aadan waxay intaas ku sii dartay; “Waxa kale oo aan arkay hablo yar-yar oo dhawaan dheddigaaday oo dheecaamadii Illaahay ugu talo-galay oo meel u banneeyey inay ka soo baxaan ay ku ceshoobeen.” Edna waxay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ku ammaantay go’aankan ay Culimada ku dhistay.

Wasiir ku-xigeenk horumarinta Caafimaadka Mahdi Cismaan Buuri, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay dhibaatooyinka bahda caafimaadku la socdaan ee ay Gudniinka kala kulmaan Haweenku badan yihiin, isla markaana rejaynayaan in Guddigan wax fiican soo kordhin doonaan. “Illaahay ha inna barakeeyo oo Fadwada aad Culimo ahaan soo saartaan mid hirgasha, sababtu waxay tahay, annagu haddaannu nahay Bahda caafimaadka hawl baa nagaga yaraanaysa.” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Caafimaadku.

Gebogabadii Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo Shaaciyey Magacyada Guddiga Culimada ah ee Sagaalka Xubnood ka kooban iyo shaqada ay qaban doonaan, ayaa ka codsaday Wasaaradaha dawladda iyo daneeyayaasha kale ee ka shaqeeya arrinkan inay waafajiyaan shaqooyinka iyo shuruucaha ay wadaan shaqada loo xilsaaray guddigan.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo sharraxaya qorshaha Wasaaradda ee arrimahan la xidhiidhaa, waxa uu yidhi; “Anoo ku hadlaya magaca Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, waxaa naga go’an la-dagaallanka Gudniinka Fircooniga ah iyo inaannu la shaqayno dhammaan qaybaha kala duwan ee ka shaqeeya arrinkan. Wasaarad ahaan waxaannu soo saarnay Fadwo la xidhiidha arrinkan, waxaanannu ku dedaali doonnaa inaannu hirgelinno aragtida lagu badbaadinayo Dumarkeenna iyo in la ilaaliyo sharafta iyo karaamada ay innu leeyihiin Muslim ahaan iyo qaran ahaanba sida ay Diinteennu innagu waajibisay.”

“Guddigan Culimada ah ee Sagaalka xubnood ahi, waxay nagala shaqayn doonaan ka fikirka iyo istaraatijiyadda lagaga guuri lahaa hawshan gudniinka oo sunnihiina la fahmi waayey, Fircooniguna magiciisuu raacoo waa shuqul shaydaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.

“Waxa aan la wada-soconnaa inay dalka ka socdaan dedaallo badan oo muddo dheer jiray oo dhinacyo kala duwan ah kuwaas oo u baahan in la mideeyo, si isku mid ahna looga wada-shaqeeyo arrinkan.Laga bilaabo hadda, waxaanu ku dedaali doonnaa inaan mideyno aragtida ku aaddan iyo in culimadu si toos ah uga qayb-qaataan la-dagaalanka dhibaatooyinka uu keeno Gudniinkani,” ayuu yidhi Wasiirka Diintu.

Waxaanu Wasiir Khaliil intaas ku ladhay; “Wasiir ahaan waxaan halkan kaga dhawaaqayaa Guddi culimo ah oo ah sagaal xubnood, kuwaas oo noqon doonaa Guddiga rasmiga ah ee ka shaqeeya arrimaha Gudniinka Fircooniga ah. Guddigani waxay si toos ah u hoos iman doontaa Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, waxaanay si rasmi ah ugu shaqayn doonaan istaraatajiyadda ka-talinta arrimaha la xidhiidha Gudniinka Dumarka oo u baahan in la waafajiyo Shareecada Islaamka.”

“Waxaan farriin ugu dirayaa cid kasta oo ka shaqaysa arrinkan hadday yihiin hay’adaha caalamiga ah, kuwa maxalliga ah iyo Wasaaradaha dowladdaba inay la shaqeeyaan Guddigan. Waxa kale oo aan soo jeedinayaa in dhammaan shuruucda iyo Mashaariicda iyo wax-qabadyada la xidhiidha arrinkan la waafajiyo shaqooyinka guddigan aan u xil-saaray oo aan sina shareecada uga maarmaynin.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaaftu.

Wasiir Khaliil Guddigan Somaliland Religious Leaders National Strategic Advisory Group (SAG) ee uu Magacaabay, waxay magacyadoodu u dhignaayeen sidan:- “

  • Sheekh Maxamed Cali Biixi oo Sanaag iyo Hargeysa deggan
  • Sheekh Cabdirisaaq Cali Xuseen (Albaani) oo Togdheer iyo Maroodi-jeex deggan
  • Sheekh Siciid Xuseen Diirye – Gobolka Maroodi-jeex
  • Sheekh Maxamed Macallin Aadan – Wasaaradda Diinta  (Maroodi-jeex)
  • Sheekh Jaamac Allaale Yuusuf Gobolka Saaxil
  • Sheekh Xaamud Nadiif Axmed Gobolka Awdal
  • Sheekh Cabdicasiis Xasan Faarax Iskuul
  • Sheekh Cabdillaahi Ibraahin Yuusuf               Maroodi-jeex
  • Sheekh Cali Cabdillaahi Cilmi                                          Maroodi-jeex.