madaxweyne SilanyoxafiiskaHargeysa(ANN)Madaxtooyadda Somaliland, ayaa soo saartay digreeto magcabis, isku shaandhayn iyo xilal cusub oo Wasiiro, La Taliyayaal iyo Agaasimayaal, kuwaas oo ay ku jiraan xubno cusub oo kusoo biiray xayndaabka xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo kuwo xilalkii ay hayeen laga bedelay.
sidaana waxa lagu shaaciyay Digreeto caawa kasoo baxday qasriga Madaxtooyadda oo ku Taariikhaysan: – 29/10/2015, taas oo uu soo saaray Afhayeenka dhowaan la magcaabay ee Madaxtooyadda Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr).
Qoraalka magcaabista iyo isku shaandhaynta, ayaa u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3641/102015 ku magacabay wasiiro, wasiiru-dawlayaal, Wasiiro ku xigeeno, Agaasimeyaal guud iyo La-taliyeyaal Madaxweyne.
Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagooyinka Wasiirada, Wasiiru-dawlayaasha, iyo Wasiir ku xigeenada, Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdillaahi Faarax Maydhane, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Cabdilaaahi Ibraahim Habane (Cabdilaahi Dheere) laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare
In Mudane, Maxamed Muuse Diiriye, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.( Bedel)
In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ciyaaraha, Dhalinyarada iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Gobollada Bari ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
In Mudane, Cabdisalaan Maxamed Xasan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
In Dr. Maxamed Faarax Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel)
In Mudane, Kaysar Cabdillaahi Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland. (bedel)
In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland. (Bedel)
In Mudane, Cismaan Axmed Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Eng. Cabdi Maxamed Hiired, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Mahdi Cismaan Cabdillaahi (Buuri), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Cabdiraxmaan Axmed Ismaaciil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Eng. Cabdirashiid Maxamuud Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Boos Mire Maxamed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Jaamac Cabdiilahi Biin, laga bilaabo maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Magacaabida Agaasimeyaasha Guud

Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.(Bedel)
In Mudane, Farxaan Aadan Haybe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Magacaabida La-taliyeyaasha Madaxweynaha

Madaxwyenuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah; iyo La-Taliyaha Arrimaha Gobollada Bariga.

Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda jagooyinkan;
Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo; Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay; wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdisamad Cumar Maal, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah. (bedel)
In Eng. Cabdinaasir Garaad Abshir Saalax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Gobollada Bariga Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH
Eng. Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380