Tehran(ANN)- Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, ayaa ka dhashay Aas qaran oo loo samaynayay General Haj Qasem Soleimani oo duqayn dhanka cirka ah lagu dilay Jimcihii, kadib markii Diyaarad aan duuliye lahayn oo Maraykanku leeyahay la beegsatay isaga iyo Abu Mahdi Al-Muhandis oo ahaa ku xigeenkii hoggaamiyaha Maleeshiyaadka Xashdi Al-shabaab ee Ciraaq.

Sidoo kale waxa duqayntaa ku dhintay saraakiil kale oo la socday, kuwaas oo watay Baabuurta raaxada xilli ay marateen meel aan ka fogayn garoonka Baqdaad, waxaana dilka Major General Haj Qasem Soleimani ka dhashay xiisad collaadeed oo si weyn looga dareemay gobolka iyo guud ahaan dunida kale, kadib markii Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Sayyed Ali Khameneyni, oo ku tilmaamay Dilka lala beegsaday General Haj Qasem mid gardaro cadaan ah, jawaab dhab ahna ay ka bixinayaan oo Maraykanku wax badan ku waayidioono.


Maydka General Haj Qasem Soleimani oo loo soo qaaday Dalka Iran, ayaa la geeyay deegaanka uu kasoo jeedo ee Kerman, waxaana ka qaybgalay Hoggaamiyayaasha dalka iyo Malaayiin shacabka dalkaa ah, taas oo sababtay in dadku is cidhiidhyeen iyagoo xamaasadaysan oo qiiraysan goobta aasku ka dhacayay, isla markaana ay ku dhinteen goobta Aasku ka dhacayay ugu yaraan 50 qof, halka ay dhaawacyo soo gaadheen 213 kale, sida ay shaacisay Wakaalada wararka ee Ardayda Jaamacaddaha Dalka Iran ee loo soo gaabiyo (ISNA)


Hogaamiyaha Sare ee Iran Ayatollah Sayyed Ali Khameneyni, ayaa sanandkii lasoo dhaafay Major General Qasem Soleimani siiyay Bilda ugu saraysa ee abaalmarinta, wuxuuna ku maamusay Haj Soleiman oo ahaa mid waxa weyn hoggaamintiisa ciidamada Quddus ee Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, isagoo meel mariyay siyaasada difaaca Iran ee ku waajahan mandaqada bariga dhexe iyo gobolkaba.

Pentagon-ka ayaa ku eedeeyay Soleimani in uu qorsheeyay weerar safaaradooda dalka Ciraaq ka dhacay maalmo ka hor, isla matkaana uu xilligan qorsheynayay in uu weeraro ku qaado dibloomaasiyiinta Mareykanka iyo xubnaha shaqaalaha ee ka jooga Ciraaq iyo gobolka, balse Ra’iisal wasaaraha Dalka Ciraaq, Adil Abdul-Mahdi ayaa ku tilmaamay eedaha Maraykanka kuwo aan waxba ka jirin, wuxuuna qorsha General Qasem Soleimani ku tilmaamay inuu ahaa mid la xidhiidhay sidii xidhiidhka Sucuudiga iyo Ciraaq loo hagaajin lahaa.

Major General Haj Qasem Soleimani, waxa si weyn dilkiisa looga canbaareeyay dalalka Pakistan, Gobolka Khamir, Yemen, Ciraaq, Syria iyo meelo kale,kuwaas oo banaanbaxyo waaweyn laga sameeyay.

Sidoo kale waxa laga dareemay dunida islaamka ee neceb duulaanka Maraykanka iyo guud ahaan mandaqada Bariga dhexe oo geeridiisa si weyn u taabatay, iyadoo mudaharaadyo waaweyn oo ka dhacay Maraykanka iyo meelio kale lagu diidanyahay dagaal xilligan ka qarxa mandaqada oo dhawr iyo tobankii sannadood ee u danbaysay xiisado collaadeed ka taagnaayeen.

AKHRI: Major General Soleimani Hoggaamiye Lagu Goblamay, Dawladda Iran Iyo Kooxaha Falastiin Oo Wacad Ku Maray In Loo Aar-gudayo


Major General Haj Qasem Soleimani, wuxuu ahaa hoggaamiye si weyn u go’doomiyay siyaasada Maraykanka iyo Isreil ee mandaqada, wxaana la saadaalinayaa in geeridiisu saamayn weyn ku yeelanay danaha Maraykanka ee mandaqada, iyadoo Marka laga yimaado Hanjabaada Hoggaamiyaha Iran ay dhaqdhaqaaqyada Ciraaq iyo dhulka Falastiin dhammaantood balanqaadeen in loo aargudayo Major, General Qasem oo ahaa Hoggaamiye lagu goblamay oo dhuunta u galay Maraykanka iyo Israel inay mandaqada ka hirgeliyaan siyaasadooda, wuxuu dilkiisu saamayn ku yeeshay xasiloonida gobolka oo dhan iyo guud ahaan caalamka, iyadoo hanjabaadaha kasoo baxay Iran, Dagaalyahanada dunidu durba saamayn ku yeesheen dhaqaalaha iyo amaanka mandaqada iyo suuqyada dunida, sababo la xidhiidha cabsida laga qabo amaanka iyo jawaabta aan la filankarin waxay noqonayso ee Iran iyo Kooxaha kale kaga imanay Maraykanka.