abwaan kulucHargeysa(ANN) Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc oo ka mid ahaa Abwaanada geyiga Soomaalida ugu caansan, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo safar ku maraya deegaamada Somaliland ee ku teedsan xadka ay Somaliland la wadaagto Ethiopia, ayaa ka tacsiyeeyay shacbiga Somaliland geerida Abwaanka.
Dhanbaalka tacsida iyo taariikh nololeedkii Abwaanka oo kooban, ayaa u qornayd sidan:-

Alle ha u naxariistee Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ku dhashay deegaanka Raydab-khaatumo oo ka tirsan gobolka Togdheer,sanadkii 1935kii,waxbarashadiisii waxa uu ku qaatay Somaliland Wakhtigii uu maamulayay Ingriisku.

Alle ha u naxariistii waxa uu fanka ku soo biiray sanadkii 1948kii isagoo ka mid noqday kooxihii ugu horeeyay ee laga aas aasay Cariga Somaliland xiligaasi oo ay socotay dabayshii gobonimo doonka .

Waxaanu Marxuumku xiligaasi calanka ka hor qaaday isla markaana Matalay riwaayado iyo heeso lagu wacyigalinayo bulshada inay iska ridaan heeryada gumaystihii ingriiska,kuwaasi oo ilaa maanta la xasuusto.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ka mid noqday kooxdii Walaalaha Hargaysa ee Ka hawlgali jirtay idaacada Radio Hargaysa,isagoo ka mid ahaa fanaaniintii habeenkii calanka laga taagay fagaaraha beerta xoriyada ka heesay halkaasi kuna luuqeeyay heeso ay ka mid ahaayeen,Aan Maalo Hasheena Maanqdeen oo Sameeyay Abwaan Saxardiid Maxmaed Jabiye Laxankana uu Saaray Alle Ha u Naxariistee Cabdiilaahi Qarshe.

Marxuum Maxamed Axmed Mudadii uu fanka ku jiray waxa uu ka qayb qaatay riwaayado iyo heeso iskugu jira Wadani,wacyigalin iyo Jacayl.

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc waxa uu ifka Kaga Tagay Xaas iyo Caruur Iskugu jira Wiilal iyo gabdho iyo wixii ay sii dhaleen.

Marxuunka xukuumadda Somaliland ayaa u saari doonta guddi aas qaran u samaysa waxaana xafiiska wakaaladda wararka ee Somaliland si is daba jooga ah usoo gaadhaya tacsiayaha la gaadhsiinayo qoyskii iyo ehelkii uu ka baxay marxuunka .

Marxuum Maxamed Axmed Kuluc oo ilaa wakhtigaas ilaa maanta ka mid ahaa hormuudka iyo tiirarka waawayn ee Fanka.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Wuxuu Marxuunka Ilaahay uga baryay inuu naxariistiisii jano ka waraabiyo Qoyskii iyo qaraabadii iyo ehelkii uu ka baxay alle ha u naxariistee Marxuun Maxamed Axmed Kuluc.” Ayaa lagu yidhi qoraalka.

 

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa dhanbaal Tacsi ah u diray Shacbiga Somaliland, isagoo ka tacsiyeeyay Geerida Abwaan Maxame Axmed Kuluc.

Dhanbaalka Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, ayaa u qornaa sidan:-

“Anigoo ku hadlaya xilkayga Guddoomiyaha, ka Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyska, qaraabada, ehelada, bahda fannaaniinta iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Fannaan Marxuun Maxamed Axmed Kuluc oo maanta oo taariikhdu tahay 17/01/2015 ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Marxuum Maxamed Axmed Kuluc wuxuu door wayn oo aan la qiyaasi karin ka soo qaatay horumarinta fanka iyo dhaqanka Soomaalida, waxaannan Marxuumka Ilaahay uga baryayaa inuu jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin.”
Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com