Marxuumad Nimco Aadan Hure (Nimco Gabaydo)Hargeysa(ANN) Abwaanad Nimco Aadan Hure oo lagu naanaysi jiray Nimco Gabaydo, ayaa ku geeriyootay galabta 18 March 2015, Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa. Marxuumada ayaa u geeriyootay xanuun ay muddooyinkan danbe la jiiftay.
Allah ha u naxariistee Marxuumad Nimco, waxay ahayd Haweenay Illaahay u siiyay suugaanta iyo gabayada hibo, waana sababta naanaysta Nimaco gabaydo loogu bixiyay, iyadoo inta baddan suugaanteedu ahayd mid isugu jirta wacyigelin, hogga tusaalayn iyo tilmaamo ay bulshada ugu iftiiminay jidka guusha iyo horumarka, isla markaana muddooyinkan danbe dhinaca dhalinyada kaga waaninaysay tahriibta, iyadoo u tilmaamaysay dhibaatada ka horaysa iyo inay ka waantoobaan oo ay dalkooda aaminaan.
Marxuumad Nimco, waxay ahayd haweenay nafteeda iyo nolosheeda u hibaysay sidii ay bulshada Somaliland iyo Soomaaliduba u horumari lahayd, waxayna lahayd suugaan baddan oo wadaniyad iyo hal-abuurnimo sare ka muuqato, waxay ahayd qof himiladeedu sarayso oo mar walba suugaan ku cabirta xaaladaha siyaasadeed, dhaqaale, dhaqan iyo guud ahaan nolosha ee bulshada.
Tariikhada Marxuumada oo aan ahayn mid lagu soo koobi karo halkan, waxa sheegi doonta Taariikhda qofka ay ahayd iyo kaalintii ay ku lahayd Marxuumadu bulshada,  waxaan rajaynaynaa inaan dib kasoo qoro intii aanu awoodno oo idiinku soo gudbino  Araweelo News Network insha Allaah.
Bahda Shebekada Araweelo News Network, waxay iyadoo ka tiiraanyaysan geeridaa tacsi u diraysaa Abwaanada, Hal-abuurka iyo Suugaanyahanada Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxday Marxuumad Nimco Aadan Hure (Nimco Gabaydo), waxayna Alle uga baryayaan inuu inuu naxariistii janna-fardawsa ka waraabiyo, dhamaanteena Samir iyo Iimaan saadiqa Alle inaga siiyo.

Nimco way ka hoyatee Allaw nabadgelyeeyoo ka ilaali naaraha narxariista ugu Deeq
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews